Calendar

Wasiirada Gaashaandhigga, Arrimaha iyo warfaafinta oo ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho iyo la wareegidii gacan ku heynta B/xaawo

IMG_167405.03.2011——–Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax iyo Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa saaka shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho iyagoo faah faahin ka bixiyay dagaalkii ay dowladdu kula wareegtay gacan ku heynta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo sidoo kale dagaalada ka soconaya qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xaqiijiayay in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay saaka si toos ah ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo halkaasoo todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka soconayeen dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa kooxda khawaarijta Shabaab “Ciidamada xooga dalku waxay saaka si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada Beledxaawo, dibna ugama laaban doonaan shacabka degaanadaasina waxaan ugu baaqeynaa inay taageeraan ciidamada dowladda” ayuu yiri Mr. Fiqi.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo isna xaqiijiayay la wareegida magaaladan Istaraatiijiga ah ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu sameyn doonto dowladdu maamul si loo xakameeyo amniga kala dambeynta iyo sharciga degmadasai “Dowladdu waxay ku talo jirtaa inay si deg deg ah maamul ugu dhisto gobolkaasi si loo helo amni iyo kala dambeyn” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo isna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in saaka ay dagaalo xoogani ka dhaceen nawaaxiga Wasaaradii hore ee Gaashaandhigga kadib markii ay weeraro soo qaadeen kooxda khawaraajta ee Shabaab isagoo tilmaamay inay u adeegsadeen weerarkooda gaadiid Qaraxyo sida oo ay wadaan niman naftooda haligay (Is Qarxiyay), wuxuuna tilmaamay in aysan wax qasaaro ah ka soo gaarin ciidamada dowladda iyo kuwa kaabaya ee AMISOM ayna bartilmaameedkooda ku fashilmeen.

“Ciidamadu wey ka feejignaayeen falalkaasi guracan ee is qarxinta ah sababtoo ah kooxdan waa caadadooda in marka laga itaal roonaado ay qaraxyo soo abaabulaan oo ay shacabka cadaadiyaan, waxaana idiin xaqiijinayaa in labo gaari oo ay ka soo buuxiyeen Miinooyin iyo walxaha qarxa ay ku guuldareysteen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada dowladda saldhigyadooda ku yaala nawaaxiga Gaashaandhigga” ayuu yiri wasiirka oo xusay in qaraxyada kadib ay dagaalo naf la caari ah soo qaadeen, taasoo ciidamada dowladdu u babac dhigeen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiirku in ciidanka dowladdu ay saaka horay ugu durgeen degaanka dayniile iyo aagag cusub oo dhanka Wasaaradii gaashaandhigga ah, isagoo tilmaamay in arrintani ay ka dambeyso baaqa ka soo baxaya bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka, salaadiinta, culimada, haweenka iyo dhalinyarada  ee ay ku dalbanayaan in dowladdu sii labo jibaarto howlgalada ay nabada ku soo celineyso.

Dhanka kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay fal ay saaka khawaarijta Shabaabku dadweynaha u shaqo taga suuqa Bakaaraha kaga hor istaageen inay galaan suuqa kadib markii kumanaan shacab ah oo ka galayay suuqa Bakaaro dhanka wadada Sayidka ay jidgooyo u dhigeen dibna uga celiyeen, taasoo uu sheegay in dowladdu isku dayeyso inay shacabka u furto waddooyin kale oo ay horay u xanibtay koodan.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: