Calendar

wiil Soomaali ah lagu Gubay Dalka Koonfur Afrika .

Wararka ka imaanaya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi habeenkii xalay ahaa wiil dhallinyaro Soomaali ah lagu Gubay halkaasi wiilkaan dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ayaa habeenkii xalay waxaa ku gubay kooxo brcad ah oo u dhashay dalka

Wuxuu sheegay Sayid Cumar oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in wiilka la gubay iyo labo kale Oo ay hal dukaan ku wada sugnaayeen la soo weeraray ayna bad baadeen labadii wiil ee kale balse isagu uu ku geeriyooday goobta kaddib Markii dab la qabadsiiyey .

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Maxamed ayaa ka mid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee in muddo ah ku Ganacsanaayay dalka Koonfur Afrika.

Wuxuu sheegay Sayid Cumar Maxamed in dilka Marxuumka C/llaahi loo adeegsaday basiin kaddibna dab lagu qabtay sida uu sheegay, Isagoo hoosta ka xariiqay in Ciidamada koonfur Afrikaan ah ay baaritaan ka sameeyeen goobta balse ilaa haatan aysan wax warbixin ah Aysan ka soo saarin sida uu dilka u dhacay iyo dad loo soo qabqabtay .

Dalka koonfur Afrika waxaa ku sugan oo ku ganacsada dhallinyaro Soomaali ah oo ka cararay Dagaalada ka jira Dalka Soomaaliya Waxaana inta badan loogu geystaa dalkaasi dhabaatooyin kala duwan oo ay ugu weyn tahay dil, iyo dhac loo geesta hantidooda.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: