Calendar

Wasiirka waxbarshada Puntland oo kaqaybgelaya shir looga hadlayo waxbarshada caalamka

Wasiirka wasaarada waxbarashada dowlada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa kaqaybgelaya shir caalamiya oo ka dhacaya magaalada Brussles ee dalka Belgium, kaasi oo looga hadli doono sidii loo xoojin lahaa waxbarshada caalamka oo sanadkiiba mar laqabto.

Shirka oo socon doona saddex maalmood ayaa lagasoo saaridona go,aamo waxtar u ah waxbarshada caalamka, waxaana shirka kaqaybgeli doona ergooyin kasocda dalalka caalamka.

Wasiir Cali Xaaji ayaa saxaafada usheegay in Puntland ay danaynayso sidii ay utayeyn lahayd waxbarshada deeganadeda, isagoona intaasi ku daray inay soo dhoweynayaan cidkasta oo gacan kasiinaysa kor uqaadista waxbarshada Puntland, wasiirka ayaa rajo kamuujiyey in go,aamada lagaso saaro shirka ay waxtar unoqon doonto wasaaradisa.

Wasaarada waxbarshada Puntland ayaa ku dadalaysa sidii loo hormarin lahaa heerka waxbarsho ee ardayada Puntland, waxaana masuuliyinta wasaarada ay safaro ku tageen qaar kamid ah dalalka dibada si ay uga helaan taagero dhanka waxbarshada ah.

 

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: