Calendar

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya oo kasoo horjeestay aqoonsiga maamulka saddexda gobal

Muqdisho_ Wasiirka arrimaha gudaha dowlada federaalka Somaaliya C/llaahi Goodax Bare oo waraysi siiyay laanta afka Soomaliga ee BBC-da ayaa kasoo horjeestay heshiiskii shalay lagu aqoonsaday maamulka saddexda gobal.

Wasiirka ayaa sheegay in marki hore si khaldan loo maray maamul usamaynta gobaladaasi, heshiiska shalayna uu yahay khalad kale, sida uu hadalka udhigay.

” Arrintaan sharciga way kasoo horjeeda, wasaaradayda markii hore qorshe cad ayay ka lahayd arrimaha maamul usamaynta, hada meelaha maamulada loo samaynayo xor maahan, meelo kamid ah weli waa la haystaa,runtii kii hore ayuu weli khilaafkisu tagan yahay, kana waa lamid,, ayuu yiri wasiirku.

Waxaa uu intaasi kudaray in wasaradiisa faragelin lagu hayo, isagoona intaa kudaray in ay kasoo horjeedo habka loo maray heshiiski shalay lagu aqoonsaday maamulka saddexda gobal.

Arrintaan ayaa kusoo adaysa xili maalintii shalay munasabad ka dhacday magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis lagu aqoon sanayo maamulka saddexda gobal, oo ay kala saxiixeen ergoyin kakala socda dhinacyadii horay isugu hayay maamulka gobaladaasi, inkastoo ay soo baxayso dhaliisho kasoo yeeraysa siyaasiyin iyo odayaal kasoo jeeda koonfurta Somaliya.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: