Calendar

Agasimaha iyo Madax Wararka Shabelle oo Wali Ku Jira Xabsiga Dowladda

4937-full-soMugadisho/Bartamaha:Waxaa maalintii labaad u xiran dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha Agaasimaha iyo madaxa wararka Shabelle oo shalay ay xireen ciidamada nabad sugida.

Agaasimaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle Cabdi Rashiid Cumar Axmed Qasse iyo Madaxa wararka Shabelle Cabdi Max’ed Ismaaciil (Cabdi Cuud) ayaa wali gacanta ugu jira dowladda KMG Soomaaliya iyagoo wali ku jira Xabsiga Dowladda ,waxaana sooo xiray Labadan Saxafi Ee ka tirsan Shabelle Cidamad Nabad Sugidda Gobolka Benaadir.

Waxaa ka socdo Xarunta Wasaarada Warfaafinta Dowladda FKMG wada hadlo iyo dadaallo ku aadan sidii loo sii dayn lahaa Agaasimaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle Cabdi Rashiid Cumar Axmed Qasse iyo Madaxa wararka Shabelle Cabdi Max’ed Ismaaciil (Cabdi Cuud).

Xaaladdda Caafimaad Ee Labaadni Saxafi ayaa wanaagsan kadib markii Ee Xalay ku hoydeen Xabsiga Dowladda FKMG Soomaaliya Ee Gobola Benaadir, wararka aya aintaasi ku daraya inaysan wax dhibato ah la kulmin inta ay kujireen Xabsiga marka laga soo tago iyadoo laga qaaday Xoriyaddoodii.

Xildhibaan Cawad Cashara ayaa ka hadlay Xariga loo gaysatay Labadani Saxafi ayaa ugu baaqay Dowladda inay sii daayaan Labadani Saxafi shuruud laa’aan isagoo xusay in Saxaafadda ay kaalin wayn ka qadato Nabadda iyo Amniga Dowaldda FKMG Soomaaliya.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: