Calendar

Nabadoon Xalay Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

BistooladBosaso/Bartamaha:Allaha Unaxariistee Nabadon Axmed Salaad Ceynab oo ka tirsanaa Nabaddoonada gobolka Bari ayaa xalay Fiidkii lagu Dilay Magaalada Bosaaso Ee Gobolka Bari.

Marxuumka Xalay La dilay waxaa Qaarajiyay Kooxo Dablay ah aan heebtooda la garanaayn xilli Uu Marxuumka kasoo baxay Masaajidka, Dablaydii dishay Nabadoonka ayaa ka baxsaday goobta ay ka fuliyeen Nabadoonka..

Ciidamada Police-ka Magaalada Bosaaso ayaa Saakay bilaabay baaritaano ku aadan Dilka Nabadoonka iyadoo wali loo soo qaban Dad looga shakiyaya inay qaarijiyeen Nabadoon Axmed Salaad Ceynab.

Waxaa soo badanaya Nabadoonada  Ladilo iyadoo Todobaad ka hor Nabaddoon Xuseeen Cali Dude,Kooxo dableey ah ku dileen Gobolka Mudug, mana jirto wali Cid loo soo qabqabtay Dilka Nabadoonadan La dilay iyadoo had iyo jeer ay isku dayaan Ciidamada Amniga markii ruux lagu dilo dil qorsheeysan.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: