Calendar

Al-Shabaab Kismaayo oo balan ku qaaday difaacida guud ahaan Gobolada Jubooyinka.

xassa yaquubBartamaha(Kismaayo):-Xarakada Alshabaab maamuleeda Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in ay difaacayaan Gobolada Jubooyinka oo aanay marnaba ugu simi doonin in ay qabsadaan Dowlada KMG iyo Kenya.

 

Maamulka Xarakada Alshabaab Gobollada Jubbooyinka ayaa waxay balan ku qaadeen inay iska difaaci doonaan oo aanay gacmaha ka laaban doonaan weeraro laga yaabo in ay uga yimaadaan Ciidanka Dowlada.

Madaxa Warfaafinta Al-shabaab Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaqa ay xadka Kenya ka wadaan ciidamo isugu jira Soomaali iyo Kenyan doonaya in ay Kismaayo weeraraan.

Xasan Yacquub Cali wuxuu balan ku qaaday in ay jab iyo halaag gaarsiin doonaan Ciidamadaasi haddii ay xadka taako soo dhigaan isagoo sheegay in ay gaarsiin doonaan goobaha lagu soo abaabulay.

Madaxa Warfaafinta Alshabaab Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub wuxuu sheegay inay heegan buuxa ay geliyeen dhammaan Ciidamada uu ugu yeeray Mujaahidinta islamarkaana ay doonayaan jabinta cadowga.

Hadalka ka soo baxaya Alshabaab Jubooyinka ayaa imaanaya xilli dhaqdhaqaaq iyo cabsi dagaal ay ka taagantahay Deegaano ka mida Gobolada Jubooyinka oo ay Islaamiyiinta ka baqanayaan dagaal uga yimaada dhanka Kenya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: