Calendar

Dowlada Soomaaliya oo Japan codsi hor leh u jeedisay xilli dhawaan dhaqaale loo balan qaaday.

Japan-somali-flagBartamaha(Tokiyo):-Dowlada Soomaaliya ayaa jeedisay Dalab  hor leh oo ku sucday Dowlada Japan xilli dhawaam dhaqaale loo balan qaaday .

Wasiirka arimaha Dibadda ee dowladda federalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali oo la hadlaayay Wakaalada wararka Dalka Japan Ee Kyodo News ayaa sheegay in Dowladiisa ay garab ka heshay Japan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uu uu rajo ka muujiyay in ay Japan balaarin doonto kaalmada ay siinayso Dowlada Soomaaliya oo ay horay u sheegtay in ay lacag fara badan siinayso.

Wasiirka ayaa sheegay in ay uga baahanyihiin Japan in ay gacan ka siiso dayac tirka Wadooyinka iyo dhammaan xarumaha Muhiimka ah ee ka qeyb qaadanaya Bilic soo celinta soomaaliya.

Dowladda Japan ayaa dhawaan waxa ay Dowlada Soomalaiya u balan qaaday in ay siinayso lacag dhan 36.2-Milyan oo doolar si laamaha ammaanka dib loogu dhiso wallow haatan ay Soomaalida dalbanayso in loo dhiso wadooyinka iyo magaalooyinka burburay.

Dalabka Dowlada KMG ah ayaa waxa uu yimid markii Wasiirka arimaha Dibada Dowlada KMG ah uu gaaray Japan oo balan qaaday taageera dhan waliba ah in ay siinayso Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: