read more »">

Calendar

Al-shabaab oo Baraawe ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah

al-shabaab baraweBartamaha Baraawe_ Ururka Al-shabaab ayaa gelinkii dame ee shalay waxa ay meel fagaare ah oo ku taala degmada Baraawe  ku toogteen labo nin oo dhallinyaro ah, oo ay ku eedeyeen inay yihiin Jawaasiis.

Dhalinyarada la toogtay ayaa magacyadooda lakala oran jiray Siciid Xuseen Cali iyo Cabdi Xasan Xuseen, waxayna da’doodu kala ahayd 19-jir iyo 23- jir.

Qaadiga Maxkamada Al-shabaab ayaa sheegay in labada dhallinyaro ay qirteen inay ka tirsanayeen ciidanka nabad sugida Soomaliya muddana lasoo shaqaynayeen sida uu hadalka udhigay.

Fagaaraha lagu toogtay labada wiil ayaa waxaa usoo daawasho tegay dad weyne aad ufarabadan.

Maahan markii ugu horaysay oo kooxda Al-shabaab dil toogasho ku fuliyaan dad ay ku edeeyeen inay Jaajuus uyihiin dowlada, waxaana sanadkan gudihisa ay Al-shabaab ku toogteen degmoyinka Baraawe iyo Buulo Mareer ku dhowaad 15-ruux oo ay ku eedeeyeen inay Jawaasiis yihiin.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: