Calendar

Al-shabaab oo weerar toos ah ku qaaday madaxtoyada Somaaliya

madaxtooyoBartamaha – Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar toosa ku qaadeen madaxtooyada Soomaliya, iyadoona wararku sheegayaan in khasaare uu ka dhashay.

Weerarka ayaa dhacay kadib xiliga afurka waxaana uu ka bilowday albaabka dame ee madaxtooyada, waxaana uu weerarku isugu jiray Ismiidamin iyo mid toosa oo ay ku galeen madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu ekaa mid qorshaysan, waxaana magaalada laga maqlayey huganka qaraxyo iyo xabado la is waydaarsanayey.

Ila hada macada khasaraha ka dhshay weerarkaasi, waxaase la aaminsanyahay inuu jiri karo khasaare nafeed oo uu gaystay weerarku maadama uu socday in muddo ah.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka caawa, waxaana uu qayb kanoqonayaa weeraro is daba joog ah oo intii laguda galay bisha ramadaan ay ka fulinayeen Muqdisho.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: