Calendar

Shir Amniga looga hadlayey oo Madaxtooyada ka dhacay

3dodaSaddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaatay shir muddo saacado ah socday,waxaana ay ku fallan-qeeyen xaaladda amni ee dalka gaar ahaana Muqdisho oo toddobaadyadii ugu danbeeyey ay ka dhacayeen weerarro iyo dilal.

Kulanka madaxda waxaa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada dalka ee Villa Somalia,waxaana madaxweynaha,ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka shirka ku waheliyey xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Arrinta lugu dheerad inta uu kulanka socday waxaa ay ahaayd sababaha keenaya in uu baaqdo fadhiyadii ay lahaayeen baarlamaanka iyadoona ay weerarro ka dhacayan xarunta baarlamaanka,guddoomiyaha baarlamaanka,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shirka soo qaan-qaabiyey ayaa madaxda dowladda ku eedeyey inaysan ka soo muuqan doorkii xal u helid ee dhinaca ammaanka ee looga fadhiyey.

Warbaahinta shirkan dibad joog ayey ka ahayd,waxaana madaxdo isla soo qaaden sida ugu haboon ee xal loogu heli karo amniga Muqdisho oo xilli walba u muuqanaya mid faraha ka baxay.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shirka ka hadlay waxaa uu sheegay inaysan xukuumaddu mas’uul ka ahayn wax kasta oo dhacaya dadaalna ay ugu jirto sidii loo sixi lahaa amniga,waxuuna soo jeediyey in laga wada qeyb qaato dadaallada lugu xaqiijinayo amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna sheegay in dowladda looga fadhiyo qorshihii ay ku sugi lahayd amniga,waxuuna inta raaciyey inay lagama marman tahay in cid kasta ay doorkeda ka qaadato xal u helida amniga.

Shirkan waxaa uu ku soo aadaya xilli ay dowladdu u muuqanayso inaysan wax guul ah ka gaarin qorshayaal ay horay u sheegtay inay ku sugayan amniga,balse wali waxaa soconaya dadaallo la xiriira adkeynta amniga Muqdisho oo ay Al-shabaab ka fulinayan dilal iyo qaraxyo.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: