Calendar

Al-shabab oo sheegtay inay soo bandhigi doonaan maydka Sarkaal sare oo ka tirsanaa AMISOM

Ayadoo ay 19 kii bishan april dagaal culus oo dhaliyay qasaaro dhimasho iyo dhawac magaalada Buulo burde ee gobalka hiiran oo ahayd dagmooyinkii ugu danbeyey ee laga qabsadey xarakada al-shabab ayaa sheegatey inay dagalkasi ku dileen saraakiil sare sare oo kamid ahaa taliyihii labaad ee Ciidamada dowlada  Jabuuti   ee kamid ka aha AMISOM.

Afhayeenlka dhanka ciidamada ee Al shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab  ayaa  saxaafada u sheegay in dagaalkaas oo ay ku qadeen dhowr xarun oo kamida dagmada buulo burde islamarkaana uu qasooro ba an kasoo gaaray ciidanka Dowlada iyo kuwa Jabuuti.

“Dagaalkaasi Waxaan  ku dilnay Askar badan oo Jabuutiyaan oo qaarkood aan Maydad kooda hayno iyo sarakiil uu kamid yahay Taliyihi labaad ee ciidamadaasi oo lagu magacaabi jiray Korneyl Guuleed.” Ayuu yiri Abu Muscab.

Al shabaab ayaa mudooyin kaan dambe waxa ay aad u badisay weerarada gaad mada ah oo ay ku qaadayeen goobaha ay kala waregeen ciidanka dowlada iyo AMISOM.

Sidoo kale ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaan ka hadlin sheegashada Al-shabab inay dileen saraakiishan sar sare.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: