read more »">

Calendar

Alshabaab oo shaaciyey in uusan kamid aheyn Abu Mansuur Al-amriki (WAR SAXAFADEED)

Kooxda Alshabaab ayaaa maanta warbaxin ay soo saareyn ku sheegay in Abu mansuur Al’amriki  uusan kamid aheyn islamarkaana uusan ku hadli karin  magaca ururka Alshabaab.

Abu mansuur Al’amriki  oo kamid ah Ajaaniibta ku sugan gudaha dalka Dlasha ahaana kasoo jeedo dalka mareykanka ayaaa Bayaanka ee Alshabaab kasoo saareyn kusoo aaday xili uu barta internetka ku faafiyey Vedio oo uu ku sheegay in xaaladiisa qater ku jirto islamarkaana uu sababsan doono Gacanta Alshabaab.

Hadabo  Hoos ka Aqriso Bayaanka ee Alshabaab kasoo saareyn Abu mansuur Al’amriki

Bayaan maanta ka soo baxay Maktabka Warfaafinta ee XSHM ayaa  lagu sheegay in Abu Mansuur Al-amriki aanu matalin, una hadlin kana tarjumin Mujaahidiinta Muhaajiriinta ee ka mid ah ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Ka dib video-yo uu baahiyay iyo warar aan jirin oo uu ku sheegayay kala qeybsanaan ka dhex jirta Mujaahidiinta ayaa Abu Mansuur Al-amriki waxey riwaayaddiisu aheyd muddooyinkii danbe mid buuxisay qalabyada warbaahinta ee reer galbeedka, sidoo kalena Umadda Muslimka ah ku beertay jahwareer siyaaba kala duwan looga warceliyay” ayaa lagu yiri bayaanka Mujaahidiinta.

Bayaanka ayaa intaas ku sii daray in dacaayadihii uu ku sheegay kala qeybsanaan ka dhex jirta qeybaha Mjaahidiinta ay kaliya tahay aragtida qof u jajaban caan bixid iyo is muujin, balse aaney waxba ka jirin marka xaqiiqada loo yimaado.

“Hadda iyadoo ku aadan arrinkaas ayaa XSHM waxey caddeyneysaa Abu Mansur Al-amrki in aanu matalin, una hadlin, kana tarjumin Muhaajiriinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee XSHM.

Bayaanka ayaa ku sii daray Mujaahidiinta oo qaadaya dhariiqii Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam in ay ka go’an tahay hammigooda ku aadan diinta, ee xoojinaya xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya walaalahooda Muhaajiriinta ah ee jooga Soomaaliya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu cadeeyay in Abu Mansur Al-amriki aanu wax jago ah ka heyn maamulka XSHM ee dalka Soomaaliya balse warbaahinada reer galbeedku ay marba iyaga ku magacaabaan xilal aan jirin oo iska hor imaanaya, sida in ay ugu yeeraan dagaal geliye, marna khabiir Istiraatiiji marna ay ku sheegaan qof hanti u soo uruuriya Mujaahidiinta.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: