Calendar

Axmed Madoobe oo soo dhoweeyay maamulka Saddexda gobal ee dhismihisu kasocdo Baydhabo

Kismaayo _ Madaxweynaha maamulka Jubba Shiikh Axmed Madoobe ayaa soo dhoweeyaya maamulka Koonfur Galbeed Somaliya oo la damacsan yahay in saddex gobal uu ka koobnaado.

Axmed Modoobe ayaa u habmbalyeeyay Ergada shirku uga socdo magaalada Baydhabo, kaasi oo ay kusoo dhisayaan maamul gobaleed saddex gobal ah, xili uu jiro shir kale oo Baydhabo kasocda oo lagu dhisayo maamul ka kooban lix gobal.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii ladhiso maamul gobaleedyada ay suurtageli doonto inuu hirgalo nidaamka faderalku, kaasi oo ay isugusoo dhowanayan bulshada Somaaaliyed sida uu yiri.

Inkastoo Ergada soo dhisaysa maamulka saddexda gobal ah ay sheegeen inuu meel fiican marayo qorshaha dhismaha maamulka koonfur galbeed, hadana waxaa jira shir kale oo isla Baydhabo kasocda waxaana la damacsanyahay in lagusoo dhiso maamul ka kooban lix gobal.

Shirar-kaan iskasoo horjeeda ee kasocda Baydhabo ayaa la Aaminsan yahay in jaah wareer siyaasadeed ay ku keeni karaan  deeganada laga hirgelinayo maamulkasi.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: