Calendar

Baabuurta aan xabbadu karin oo laga mamnuucay in laga soo dajiyo dekadda Muqdisho

Baabuurta aanay xabadaha karin iyo gaadiidka Tiknikada ee loo yaqaano Cabdi Bilaha ee ciidamada ayaa la mamnuucay in si gaar ah looga soo dejiyo Dekeda magaalada Muqdisho oo xilligan ay ka socoto howlo ballaaran oo badeecadaha iyo gaadiidka kala duwan looga soo dejiyo.

Sida ay sheegayaan wararka laamaha ammaanka dowladda ayaa ku baraarugay qorshayaal si gaar ah gaadiidka aan xabadaha karin looga soo degsan lahaa Dekeda, si loo suuq geliyo.

Gaadiidka aan xabaduhu karin ee loo yaqaano Bullet Proof ayaa hada ku soo batay magaalada, waxaana isticmaala Wasiirada dowladda iyo Saraakiisha Amniga, iyadoo gawaaridaas si dalab ahaan loogu keeno dowladda.

Amar ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka ayaa lagu mamnuucay in gaadiidka aan xabadaha karin iyo kuwa loo yaqaano Cabdi bilaha in si gaar ah looga soo degsado, iyadoo go’aankan uu daba socdo mid dhowr bilood ka hor ka soo baxay Madaxweynaha.

Baabuurta ayaa la iibiyaa qiimo aad uga badan baabuurta kale ee caadiga, iyadoo ku dhow dahay lacagahaas 80-90 kun oo doolarka Mareykanka ah.

Dhowaan ayaa la sheegay in hey’adaha ammaanka dowladda ay ku qabteen Dekeda labo baabuur oo kuwa aan xabadaha karin ah oo la soo dejiyay iyo gawaarida ciidamada ee Tiknikada loo yaqaan, kuwaasoo ay Ganacsato si gaar ah u keensadeen.

Dekeda Muqdisho ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ka soo degayay gawaari kala duwan oo casri ah, kuwaasoo Ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalqabaneeda ay dibadaha ka keensanayeen si ay u suuq geystaan ama ay si gaar ah ugu kaxeystaan magaalada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilligan ka jira mashquul dhinaca gaadiidka, waxaana la sheegayaa in sanadaha soo socda laga yaabo in baabuurta ay dadka ka bataan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: