Calendar

Baarlamaanka o Kulan Aan caadi Aheyn ku Qadanaya Maanta Xarunta Golaha Shacabka (Warbixin)

barlamnakMugadisho/Bartamaha:Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi Barqadaan  ku leh Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu yahay mid ka duwan kulamadii hore ay yeelanayeen Xildhibaanada, xilli uu muuqdo khilaaf xoog leh oo u dhaxayso Madaxda ugu sarayso Dowladda FKMG Soomaaliya.

Ajandaha kulankan ayaa ah dhowr qeybood oo is dhinac socda, iyadoo kulanka qeybtiisa hore la filayo in warbixin safaradii mudada bilka aheyd lagaga dhageysto Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan akdibna looguda galo qodobo dheer ah oo ku sabsan in la kordhiya waqtiyaga Madaxwaynaha iyo in safiican mar kale looga dodo Sadaxdii Sanao Ee kordhisteen Barlamaanka io Gudoonka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamamka ayaa  sheegay in kulanka intiisa badan looga hadli doono waqtiga kalaguurka, iyo warbixin laga dhageysanayo gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan safaro ku soo maray wadamo dhowr ah.

Wararka qaar ayaa sheegay in kulanka maanta la horgeyn doono gudi kooban oo qaban qaabiya doorashooyinka madaxtinimada dalka kaasi oo dhawaan uu magacaabay gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan .

Sidoo kale Warar ka soo baxaya Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qeexaya in laga doodi doona war saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxweynaha maalintii khamiistii, kaasoo ku qeexneyd in xilka sii heynayo ilaa laga helo Baarlamaan cusub, oo bedela kii hore, taasoo durba muujisay shaki iyo qeyla dhaan iyo su’aalo ay siweydiinayaan xildhibaanada.

Kulankaasi ayaa Saacado kadib ka bilaaban doono Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo Maanta la adkeeyay Amniga Wadooyiinka waaweyn Ee Gala Xarunta ay Barqadan ku shirayaan Baarlamaanka, Xiisaha kulankani ayaa kusoo beegmaya Xili Maalmihii lasoo dhaafay u cirka iskusii shareeray Qilaafka u dhaxeeya Labada Shariif oo isku haya in Xilalka Madaxwaynaha iyo Kan Baarlamaanka la kordhiyo iyo in Baarlamaan cusub la keeno.

Ugu danabeyntii Shacabka ayaa sidoo kale qaba cabsi ka wajahan inay saamayn ku yeeshaan Madaafiicda ay haatan Diyarsanayso Kooxda Mucaardaka Ee Al Shabaab, Tanina waxay dhacdaa mar walab Ee Baarlamaanka ku shirayaan Xarunta Golaha Shacabka Ee Gobolak Benaadir.

Qodobada kazoo baxaa Kulankani Xarunta Shacabka ka bilaaban rabo kala soco Webka Wararka Xaqiiqda ku caanbaxay Ee www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: