Calendar

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guuleystay 44sano kadib soo ceshto xubinnimada Midowga Baarlamaannada Caalamka “SAWIRRO”

This slideshow requires JavaScript.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inuu si buuxda usoo
ceshado xubinnimada Midowga Baarlamaannada Caalamka inter Parliamentary
Union IPU oo ay ku mideysanyihiin Baarlamaannada 165 dal oo Caalamka ah
mudo 44 sano ah kadib.

“kadib dadaallo badan oo uu sameeyey Gudoonka Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya oo soo bilowday tan iyo bishii September ee sanadkii hore
waxaan ku guuleysanay inaan si buuxda usoo ceshano ka mid ahaanshaha
xubinnimada Midowga Baarlammaannada Caalamka oo Soomaaliya ugu dambeysay
sanadka markuu ahaa 1969kii,waana guul aad u weyn oo Baarlamaanka
Soomaaliya gaaray” ayuu yiri Xildhibaan Dr Khaalid Cumar Cali oo magaalada
Genève ee caasimadda dalka Switzerland uga qeybgalaya shirka IPU.

“waxaan kusoo dhaweyneynaa Baarlamaanka Soomaaliya IPU waxaan go’aankan uu
ka dambeeyey hormarka iyo isbedelka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu
sameeyey iyo talaabooyinka uu u qaaday hormarinta dhinaca dimuqraadiyadda,
waxaa uu ahaa xiriir hore oo taariikh leh markii Soomaaliya ay IPU ka
tirsaneyd hadana waxeynu ka taageeri doonnaa hormarinta hay’addaha Dowliga
ah iyo iney kusii talaabsadaan hormarro kale oo dhanka dimuqraadiyada
ah”ayuu yiri Madaxweynaha Midowga Baarlammaannada Caalamka Inter
Parliamentary Union IPU Abdelwahad Radi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa isaguna yiri “waa qeyb ka mid ah guullaha dhanka
hormarka ah ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena waa
guul usoo hooyatay dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacbigeeda,waxaan u
mahad celinayaa hogaanka iyo dhammaanba xubnaha Midowga Baarlammaannada
Caalamka ee IPU sida ay usoo dhaweeyeen Baarlamaanka Soomaaliya
islamarkaana ay isha ugu hayaan qaabka aynu u shaqeyneyno iyo guullaha
aynu gaarnay mudadan kooban,runtii weli wax badan ayaa inoo harsan
waxaanna Alle ka rajeyneynaa inuu noogu guuleeyo si lamid ah guushan
taariikhiga ah”.

Tallaabadan uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu guuleystay inuu si
buuxda uga mid noqdo midowga Baarlammaannada Caalamka ee Internal
Parliament Union IPU ayaa waxey ka mid noqoneysaa guullaha ballaaran ee uu
ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliyeed mudo hal sano ah gudaheed ayadoo
dhammaan guulahaanna ay qeyb ka yihiin istiraatiijiyadda uu Gudoonka
Baarlamaanka u dejiyey howlaha Golaha Shacabka.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: