Calendar

Ban Ki Moon ” Dagaalada Soomaaliya ka socda saameyn ayee ku yeelan karaan Dalalka Geeska Afrika”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moona aya qiray in Dagaalada xoogan Ee Dalka Soomaliya ka socda ay saamayn weyn ku yeelan karto Wadamada dariska la ah Soomaaliya iyo Wadamada Geeska Afrika.

Mr Ban Ki Moon ayaa sheegay in laga cabsi qabo in Dagaalada Soomaaliya ka jirto ay saamaeeyaan Dalalaka Geeska Afrika sida, Kenya, Ethiopia, Uganda, Burindi, Tanzania iyo Uganda.

Sidoo kale Xoghayaha Qaramada Midoobe Ban Ki Moon ayaa ka cabsi qaba Kooxaha kasoo hoirjeeda Dowladda Soomaaliya inay abuuran qatar argagaxisnimo oo ku aadan dalalka dariska la ah Soomaaliya gaar ahaan Dalalka Uganda, Kenya iyo Burindi oo laga yaabo in qorshayaal argagaxisnimo ay ka fuliyaan Shabaabka iyo Ururuka AL Qaacidda.

Ugu danbayntii Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ayaa xaqiijisay inay jiraan Dagaal yahaano Al Qaacida ah oo ka barbar dagaalama Ciidmada mucaaradka ku ah Dowaldda oo garab siiya Shabaabka.

Xafiiska www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: