Calendar

Ciidamo Itoobiyaan ah oo kusoo Fool leh Deegaanka Ceelgaal iyo Shacabka Rer Hiiraan oo Cabsi xoogan qaba

Ciidamo Itobian ahBartamaha:Wararka laga helayo Gobolka Hiraan ayaa xaqiijinaya in Cutubyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa soo gaareen  deegaanka Ceelgaal oo ka tirsan Gobaolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidmadani  Itoobiyaanka ay kasoo dhaqaaqen isgoyska Kalabeyr oo Maalmihii lasoo dhaafay ay halkasi fariisamo ku lahayeen.

Xasan Caaqil ayaa www.Bartamaha.com u sheegay in ay jirto cabsi xoog badan ay qabaan shacabka ku sugan Deegaanka Ceelgaal iyadoo shacabka had iyo jeer  ka walwalaan in si kadis ah uu ku bilaawdo dagaal kadibna qasaaro lixaad leh ay kala kulmaan dagaalada.
Cabsida ay qabaan shacabka ayaa imaanaya xilli Kooxaha Al shabaab ay wacad ku mareen inay dagaal ku jihaad ah la gali doonaan.

Cidimada Itopobiyaanka oo caawinaya Ciidmaada Dowladda KMS Soomaaliya oo dagaalo saf mar ah la galaya Kooxaha Al Shabaab.

Waxaa durbadiiba la arkayaa qaar ka tirsan shacbaka oo barakacaya cabsi ku aadan in dagaal uu dhaco haddii Ciidamada Itoobiyaanka soo gaaran Qaar katirsan Degmooyinka ka trisan Gobolka Hiiraan xilli ay haatan soo buux dhaafiyeen qaar ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: