Calendar

Booliska Kenya oo shaaciyay sawirrada rag Soomaali ah oo loo malaynayo inay ka qaybqaateen weerarkii Westgate

Booliska la dagaalanka Argagixisada ayaa sii daayay sawirada laga qaaday Kaamirada qarsoon ee CCTV, labo ruux oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ka dhacay labo todobaad ka hor.

Sawirada ayaa muujinayay labo nin oo lacag dhigayay Bankiga Barclays Bank qeybtiisa magaalada Nairobi, iyadoo labada nin la sheegay inay ahaayeen Soomaali, waxaana ay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey ka iibiyeen gaari uu lahaa, kaasoo ahaa gaarigii ay adeegsadeen kooxdii qaaday weerarkii Westgate 21-kii bishii hore

Labada ruux ee magacyadoosa la soo bandhigay ayaa kala ah Abikadir Haret Mohamed oo loo yaqaano Mohamed Hussein, kaasoo booliska ay sheegeen inuu ka soo jeedo degmada Mandhera, isla markaana si wanaagsan ugu hadli yaqaano luqada Kiswahili

Ninka kale ayaa magaciisa lagu sheegay Adan Dheg, waxaa loo yaqaano Hussein Abdi Ali iyo Abdulah Subow, waxaa la sheegay in ninkan yahay Soomaali.

Booliska ayaa sheegay in labada nin ay 6-dii September labo todobaad ka hor ay ka iibsadeen gaari Mitsubishi shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey, gaarigan ayaa la dhigay banaanka hore ee Xarunta Westgate, iyadoo booliska baaritaan ay sameeyeen ku ogaadan nambarka lagu diiwaan geliyay, iyadoo u suura gashay inay raadiyaan ninkii laga iibiyay, deetana uu u sheegay in lacag afar kun doolar laga siiyay.

Taliyaha Booliska Kenya David Kimaiyo ayaa u balan qaaday cidii soo sheegtay macluumaad ku saabsan labadaas nin abaal marin lacageed oo gaareysa 6-kun doolar oo u dhiganta 500,000 lacagta Kenya.

Hey’adaha ammaanka Kenya ayaa wada baaritaanka weerarkii Westgate ka dhacay 21-kii September, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 67 ruux, waxaana dhowaan ay soo bandhigeen sawirada afar ka mid ahaa kooxihii weeraray dhismaha.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: