Calendar

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo eedayn u jeediyay qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in degmooyinka qaar laga soo dhoweeyo Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka in aysan gabaad siin Al-Shabaab.

“Waxaa jira degmooyin ku yaal Gobolka Banaadir oo laga soo dhoweeyo Al-Shabaab, lagana jecel yahay, waxaa laga geystaa degmooyinkaas dilal qorsheysan oo rag bastoolado wata ay geystaan”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Tarsan oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Howlwadaag, ayuu degmadaas ku amaanay in aan Al-Shabaab laga soo dhoweyn oo ay meel iska saareen, sidaas darteed ay keentay in xilli habeen ah ay Munaasabad ku qabtaan.

“Degmadan Al-Shabaab ma soo dhoweysan wey iska celiyeen, kuwa kale Al-Shabaab baa laga soo dhoweeyaa, iska qabta kuwa aad arkeysa ee soo galootiga ee sida xun u socda, ee timaha sida heer magaalka u jarta, dhalinyaro cusub ayay qoranayaan alshabaab oo aan magaalka kala garaneyn, marka kuwaas aragtaas hala qabto”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan.

Waxaa uu sheegay in hadii Al-Shabaab la soo dhoweysto ay dhibaatooyinka ugu badan u geysanayaan dadka shacabka, waxaana uu ugu baaqay inay iska dhiciyaan sida uu yiri.

Tarsan ayaan magacaabin degmooyinka laga soo dhoweeyo Al-Shabaab, hase ahaatee hadalkiisa waxaa uu daba socdaa howl galo ciidamada ka sameeyeen dhowaan mid ka mid ah degmooyinka oo lagu qabtay rag mas’uuliyiin degmo ahaa.

Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah 16-degmo oo dhowaan lagu soo biiriyay degmada Kaxda oo noqotay degmadii 17aad ayaa waxaa ka dhaca falal amni daro, iyadoo qaar ka mid ah degmooyinkaas la sheego inay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: