Calendar

Briten oo Cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

Mark Simons u qaabilsanaha arrimaha Afrika dowladda Ingiriiska oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa uu si kulul U cambaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Simons ayaa  Ku tilmaamay weerar Doqonimo weerarkaasi Shalay ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho isagoo uga tacsiyeeyay Ehallada dadkii ku Geeriyooday Weerarkaasi.

Wakiilka Afrika Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dhanka ammaanka iyadana aaney u dhutin Weeraradaasi fulaynimo ee Argigixisadu ka fulineyso Gudaha Dalka.

Sikataba Weerarkii Is qarxinta ahaa ee Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa Masuuliyaddiisa waxaa Sheegtay Ururka Al Shabaab Kuwaasi oo ku Goodiyay in ay sii wadi doonaan qaraxyada Nuucaasi ah ee ay Ka geestaan Deegaanada iyo degmooyinka ay dowladdu Maamusho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: