Calendar

Cali Qaliif Galayr oo maanta ka soo dagay garoonka Diyaaraha Aadan Cadde .

cali qaliifRa’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Qaliif Galayr ayaa maanta ka soo dagay garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Soo dhaweynta Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Qaliif Galayr ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan mudanyaasha Baarlamaanka,

masuuliyiinta ka tirsan qaatumo State iyo dad kale oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Cali Qaliif Galayr Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo markii uu soo gaaray Garoonka diyaaraha Muqdisho aan saxaafadda la hadlin ayaa loo galbiyey hoyga uu ka dagayo Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Qaliif Galayr ayaa wuxuu soo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan.

Imaatinka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxay imaanaysaa xilli is jiid jiid Siyaasadeed oo ku aadan dastuurka uu ka jiro Soomaaliya islamarkaana la doonayo in dhawaan doorasho Madaxtinimo ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: