read more »">
Calendar

Cali Xaaji warsame oo maanta la wareegay xilka wasaaradda Waxbarashada Puntland (sawirro)

Garowe - Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada dowlada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa manta sitoosa xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Munasabada xil wareejinta oo ka dhacaday xarunta wasaaradda waxbarashada ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kaqaybgalay masuulyinti hore ee wasaaradda, xuno kasocday Hay’addaha Qm. uqaabilsan waxbarshada iyo Wasiirka cusub.

Ugu horayn wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo kahadlay munaasabada ayaa kasheekeeyay wixii u qabsoomay muddadii shanto sano ahayd ee uu jogay wasaarada.

…,, Waxaanu ku guulaysanay mudadii aan xilka haynay midaynta manaahijta waxbarashada ee dugsiyada Puntland iyo sidii hal imtixaan looga wada qaadi lahaa ardayda dhamaysata D/Sare iyo D/Dhexe…,, ayuu yiri Wasiir Juxa.

Cabdi Faarax Juxa ayaa umahadceliyay Hay’addaha Qaramada middobay oo uu xusay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen shantii sano ee uu xilka hayey, waxaa kale oo uu amaanay dalalka Itoobiya, Yaman iyo Suudaan oo uu sheegay inay waxbarasho bilaasha ugu deeqen ardayda reer Pl.

Wasiirka Cusub  Cali Xaaji Warsame oo isagoo aan lahorgayn Baarlamanka la wareegay xilka, ayaa ku amaanay wasiirkii hore heerka uu soo gaarsiiyay wasaarada.

Cali Xaaji Warsame ayaa xusay inuu horay usii wadi doono hawlaha wasaarada waxbarashada, isagoona kadalbaday wadamada dibada inay kaqayb qaataan sidii deeqo waxbarasho ay usiin lahaayeen aradayada Puntland.

Waa wasiirkii ugu horeeyay tan iyo intii uu madaxweyne Gaas soo dhisay gollihiisa wasiirada la wareega xilka wasaarada, waxaana arintaan xil wareejinta ahi ay kusoo aadaysa xili maalinta beri ah wasiirada cusub la horgayn doono Baarlamka Puntland.

This slideshow requires JavaScript.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: