Calendar

Chelsea oo laga qaaday Club World Cup

0 27

0 1

Kooxda kasoo jeeda wadanka Brazil ee lagu magacaabo Corinthians ayaa qaaday koobkii aduunka ee kooxaha, halkaasoy ka qaaden koobkan naadiga Chelsea ee wadanka England, kuwaaso kaga badiyay gool iyo waxba.

Gool ka khaliya ee ciyaarta la dhaliyay ciyaaryahanka Peruvian-ka ah ee  “Guerrero”,kaaso ah goolkii labad ee uu dhaliyay ka dib marki uuka soo dhaliyay kooxda Al Ahli ee wadanka masar isreebreebkii koobka aduunka ee naadiyada.

Corinthians waxay u ciyaaraysay si nidaamsan oo aad u fiican, bandhig ka fiican kii ciyaartii hore ay soo muujiyeen halkaasoy ka badiyeen naadiga chelsea kana qaadeen koobkan qaaliga ah.

Waxa xusuus mudan in kooxda chelsea ay ku dhamaystirteen ciyaarta 10 ciyaaryahan ka dib markii kaadhka guduudan la siiyay ciyaaryahanka qadka difaaca ka dheela ee Gary Cahill.

0 3

 

0 5

0 2

0 4

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: