Calendar

Ciidamada Itoobiya oo fariisin cusub ka samaystay Degmada Dhuusa Mareeb

Dhuusa Mareeb _ Ciidamo Katirsan Itoobiya ayaa habeenkii xalay gaaray degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobalka Gal-guduud.

Ciidamadaan oo ah qaybtii labaad ee Itoobiyaan ah ayaa isku fidinaya deeganada hoostaga  gobalka Galguduud, waxaana ay fariisin kasamaysteen xerada 21-aad ee ciidamada xooga soomaliya.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa sheegaya in ilaa 4500 Askari oo Itoobiyaan ah ay isku fidin doonaan gobalka Galguduud, waxaana ujeedadu tahay inay ururka Al-shabaab kala wareegaan meelaha ay kajoogan gobalka.

Maanta ayaa lafilayaa in magaalada Dhuusa Mareeb ay kullan ku yeeshaan saraakiisha ciidanka Itoobiya horkacaysa iyo maamulka Ahlusuna ee deegankasi ka arrimiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa wararku sheegayaan inay labo jiho ka kala weerari doonaan deeganka Ceelbuur oo ay aad ugu xoogan yihiin ururka Al-shabaab, waxaana maalin kahor degmada Guri Ceel gaaray ciidamo Itoobiya kasocda.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: