read more »">
Calendar

Ciidamada Soomaaliya oo dib u furay wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo KM4

Gen-Cali-gaabCiidamada Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u fureen wadada hawlbawlaha u ah isu socodka gaadiidka magaalada Muqdisho ee wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo KM4.

Waxaana warar ay Bartamaha heshay ay sheegayaan in wadadaas at horay ugu xirnayd hay’adda UNDP oo ishortaagtay in wadada xataa la dhiso, iyadoo arrintaasi ay ka caraysiisay hay’adda Turkiga ah ee qandaraaska ku qaadatay dhisitaanka wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay hirgalinayso dawlada Turkiga.

Taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka Gen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab iyo ciidan uu wato ayaa burburiyey Biro laga dhisay laamiga bartankiisa.

Gen. Cali Gaab oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay iney tahay arin aan la aqbali karin in wado halbowlo u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho ay xirtaan hay’ado dano gaara ku wata,wuxuuna sheegay iney ka wareejiyeen biro waaweyn oo wada lagu gooyey.

Taliyaha Taraafikada ayaa sheegay iney maanta wadadaas ka bannaynayaan dhagxaan wali yaalla bartamaha Laamiga kuwaas oo caqabad ku noqday in gaadiidka ay adeegsada wadadaasi oo ay ku jiraan kuwa kasoo baxaya ayraboorka iyo kuwa u sii socdaba.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: