Calendar

Ciidamadii Shaqada laga ruqseeyay oo Dibad bax ka hor dhigay Afaafka Madaxtooyada Soomaliya

Muqdisho _ Xili dhowaan uu taliyaha Ciidanka Xooga dalka Somaliya uu shaaca kaqaday in shaqada ciidanka Laga Ruqseeyay askar horay uga tirsana ciidanka oo shaqada ciidanka gudan wayay ayaa waxaa maanta dibad bax ka dhigay magaalada muqdisho boqolal kamid ah ciidamada shaqada laga ruqseeyay.

Dibadbaxa oo ka dhacay Afaafka laga galo Madaxtooyada ayaa waxa ciidanka dibaxa dhigayey ay cabasho xoogan ka mujiiyeen talabada uu taliska ciidanka xooga shaqada kaga ruqseeyay.

Askarta dibad baxa dhigayay ayaa isugu jiray saraakil Ciidan, dabley, Alifle iyo labo aliflayaal, waxayna ku eedeyen taliyaha ciidanka xooga Somaliya, Gen. Daahir Khaliif Cilmi (Indho Qarshe) inuu kabeen sheegay shaqadii ay uhayen qaranka Somaliya.

Askartaan oo ay ku jiraan haween, ayaa saxafada usheegay inay halis ugu jiraan dhibaato ay ugaystaan Al-shabab maadama ay katirsanayen ciidanka Dowlada, waxayna kadalbaden madaxda sare ee DFS. in talabada shaqada looga eryay ay baaritan ku sameeyan.

Marka laga yimaado dibadbaxa ay dhigeen Askarta shaqada laga ruqseeyay waxaa jiray dibad bax kale oo ay Afaafka madaxtoyada ka dhigeen ciidanka naafada xooga dalka Somaliya oo ka cabanyay rashin iyo daryeel la,aan ku haysata xeryaha ay ku jiraan.

Dhowaan ayay ahayd markii uu Taliyaha ciidanka xooga dalka Somaliya Gen.  Daahir Khaliif Cilmi uu sheegay in shaqada laga ruqseeyay askar ka mashquulsan shaqada ciidanka oo xirfado kale ku shaqaysta.

www.Bartamaha.com

 

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: