Calendar

Ciidamo Katirsan AMISOM iyo kuwa dowlada oo qarax lagula beegsaday Muqdisho

Muqdisho_ Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta Qaraxyo lagula eegtay ciidamo katirsan AMISOM iyo kuwo dowlada, xili ay marayeen meelo kamid degmooyinka Yaaqshiid iyo Horiwaa.

Barqadii maanta ayaa qarax miino oo nooca meelaha fog laga hago ah lala eegtay cutubyo katirsan ciidamada AMISOM oo marayay Ex Kantarool Balcad, waxaana weli lo ogayn khasaraha ka dhashay.

Warar kale ayaa sheegaya in maanta qarax kale lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowlada oo watay gaadiid dagaal xili ay marayeen inta u dhaxeysa Labaajadii Mahada Alle iyo biya dega Carafaat ee degmada Yaaqshiid .

Ugu yaraan labo ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxyada iyo rasaasta daba socotay, halka tiro aan la cayimin waa ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraa askar ka tirsan ciidamada dowladda.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: