Calendar

Cismaan Caato oo lagu aasay maanta magaalada Muqdisho

5937_Cusmaan_CaatoCismaan Xassan Cali (Caato) oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii awooda badnaa ee soo maray magaalada Muqdisho ayaa maanta maydkiisa lagu aasay magaalada Muqdisho kadib markii uu u geeriyooday xanuun wadnaha kaga soo booday oo keenay inuu si kadis ah ku dhinto.

Cismaan Caato maydkiisa ayaa la geeyay madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo la sheegay in madax ka tirsan dawlada ay ka qaybgaleen duco loogu sameeyay Villa Soomaaliya.

Muuse Suusi Yalaxow oo kamid ah hogaamiye kooxeedyadii ay gacan saarka lahaayeen ayaa geeridiisa ku tilmaamay mid naxdin leh oo uu ahaa siyaasi wayn oo dalka siyaasadiisa wax wayn kasoo qabtay.

Masuuliyiinta aaskiisa ka qaybgalay ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xusseen Guuleed iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.

Cismaan Xasan Cali Caato  ayaa mudo badan kusoo dhex jira siyaasada dalka soomaaliya isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihihii  kumeel gaarka ahaa ee lagu soo unkay dalalka dariska,wuxuuna xiligan ku hawlanaa dhisme Garoon diyaaradeed oo uu ka dhisayey Koonfurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: