Calendar

Cutubyo katirsan Ciidamada Itoobiya oo Gaaray Degmada Guri-Ceel

Guri-ceel _ Wararka aan kahelayno degmada Guri-ceel ee gobalka Gal-guduud ayaa kuwaramaya in deegaankasi gelinkii dame ee shalay ay gaareen Ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in ujeedada ay Ciidamada Itoobiya utageen deegaankasi ay salka ku hayso sidii ay kooxda Al-shabaab ugala wareegi lahaayeen deeganada ay kaga suganyihiin gobalka Gal-guduud.

Dadka deeganka ayaa sheegaya in ciidamadani ay ku hubaysanyihiin Ilaa afartan gawaarida dagaalka ka ah, waxaana ay sitaan caalamada AMISOM sida ay wararku sheegayaan.

…,,, Ciidamada Itoobiya waxay kamid noqdeen hawlgalka AMISOM, waxayna gelinkii dame ee shalay soo gaareen Guri-ceel, ujeedkoduna waa inay Al-shabaab kala wareegaan deeganada ay gobalka ka joogaan…,, Sidaasi waxa yiri Guddomiyaha degmada Guri-ceel Cismaan Ciise.

Ciidamada Gaaray Guri-ceel ayaa qayb ka ah Cutubyo ciidanka Itoobiya ah oo Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay kasoo taalabay xuduuda Soomaliya iyo Itoobiya, waxaana tani ay kadamaysay markii ciidanka Itoobiya loo aqoonsaday inay kamid noqdaan AMISOM.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: