Calendar

Wasiirka cusub ee wasaarada haweenka & horumarinta Bulshada Puntland oo manta xilkaasi loo dhaariyay

Aniso xaaji muumin

Garowe _ Wasiirka cusub ee wasaarada Haweenka iyo horumarinta arrimaha bulshada Puntland Aniiso Xaaji Muumin ayaa maanta loo dhaariyay xilka wasaaradasi.

Aniiso Xaaji Muumin ayaa maalintii shalay  dib dalka ugusoo laabatay kadib markii loo magacabay xilka wasaarada, waxaana maanta dhaarinteda goob joog ahaa madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka ayaa waxaa dhaariyay garsoore katirsan maxkamada sare ee Puntland, waxaana maalmaha soo socda lafilayaa in xilka wasaarada ay kala wareegto wasiirkii hore Marwo Xaliimo Xaaji Xasan.

Wasiirka cusub ee wasaarada Haweenka iyo hormarinta Bulshada Aniiso Xaaji Muumin ayaa ah qof ku tilmaaman inay aad ugu ololayso arrimaha bulshada gaar ahaana caruurta iyo haweenka, waxayna muddo ku noleed dalka Maraykanka.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: