Calendar

Daawo Sawirro Raysul wasaaraha Soomaaliya oo xalay casho sharaf u sameeyey culimadii ka qayb gashay shirkii looga hadlayay xagjirnimada

R/wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa xalay casho sharaf u sameeyay culumaa’udiinkii ka qeyb galay shirweynihii looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa xagjirnimada ka jirta gudaha wadanka Soomaaliya.

Raysul wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhaqan gelin doonaan qodobadii ka soo baxay shirweynihii qaran ee looga hadlayay xal u helida fahanka qaldan ee laga dhaadhiciyay dhalinyarada Soomaaliyeed.

R/wasaaraha  Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida cad ee culumaa’udiinku u qeexeen caqiidada qaldan ee  xagjirnimada, wuxuuna tilmaamay R/wasaaruhu in ay horgeeyeen shirka golaha wasiirada go’aanadii iyo talooyinkii ka soo baxay shirkii looga hadlayay xagjirnimada.

Culumadii iyo aqoonyahanadii xalay ka qeybgalay casho sharafta uu u sameeyey R/wasaarha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarx  Shirdoon Saacid ayaa iyana tilmaamay sida ay mihiim u tahay in la helo nabad galyo buuxda ayna imaan karto marka lag hortago kuwa xagjirka ah ee diinta ka been sheegaaya, sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge xirsi oo munaasabada xalay hadal ka jeediyay ayaa balanqaaday in wasaarada Warfaafinta ay kor u qaadi doonto wacyi gelinta Bulshada, waxa uuna sheegay in ay hore u wadday wasaarada warfaafinta wacyigelin Bulshada Soomaaliyeed.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: