Calendar

Dad ku sumoobay saliida cuntada qaybo kamid ah deegaannada Puntland

saliidWararka ka imaanaya degmada Jarriiban ee ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay jiraan dad xaalad halis ah ku sugan kadib markii ay ku sumoobeen saliida cuntada lagu karsado oo la sheegay inay suni ku jirtay.

Ma kala cada sida ay caagadahan suntu ku gashay maadaama ay yihiin caagado xiran.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr qof oo ku xanuunsaday suntaas in lagu daawaynayo isbitaallo ku yaalla deegaankaas, iyadoo wararka suntu ay sidoo kale kasoo yeerayaan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Waxayna wararku intaa ku darayaan in dad kale oo iyaguna ku sumoobay saliida cuntada lagu daawaynayo isbitaalka degmada Burtinle.

Maamulka Puntland ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin saliida sumaysan ee lasoo galiyay deegaannada uu ka arrimayo taasoo keenaysa khatar soo food saarta bulshada deegaanadaas ku nool.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: