read more »">
Calendar

Hal qof oo ku dhaawacmay shil diyaaradeed oo ka dhacay Guriceel

Diyaarad_Wafdi_Sidday_ShilHal qof ayaa ku dhaawacay diyaarad saaka ka qaaday wafdi ka tirsan saraakiisha milateriga dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ururka Ahlusunna Waljamaaca oo si khaldan ugu dagtay garoonka diyaaradaha ee degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

Wafdigan oo uu ku jiray abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa u aaday gobolka Galguduud fulinta heshiisyo ay horay u galeen dowladda iyo ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Diyaaradda ayaa la sheegay in duuliyihii waday uu si khalad ah uga dajiyay garoonka, taasna ay keentay inay jidka ka baxdo uuna ku dhaawacmo hal qof, balse mas’uuliyiintii kale ee wafdiga aysan wax khasaare ah gaarin.  Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa intooda kale bad-qaba wax dhibaato ahna aysan soo gaarin, iyagoo si nabad ah diyaaradda uga dagay, waxaana abaaduuluhu uu sheegay inay u tageen gobolkaas fulinta heshiisyadaas.

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa dhawaantan shaaciyay inay dawlada qaadici doonaan hadii aan la fulin heshiisyadii horay loola galay.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: