Calendar

Deg Deg: Dowladda Oo Dagaalo Xoogan ku qaaday Gobalka Bakool

1 bartamahaWararka kusoo dhacaya Xafiiska www.Bartamaha.com ayaa tibaaxaya in goor dhaw dagaalo culus ay ka bilaawdeen Gobolka Bakool.

Dagaaladani waxuu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo Kooxaha Mucaaraadka ah Ee Aslbaaab  Ee gacanta ku haya Gobolkani waxayna Dagaalada ka bilaawdeen  deegaanka Yurkud ooo ka tirsan Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha dowlada KMG Soomaaliya ee gobalka Bakool aya Saxaafad aroortii u sheegay inay weerar qorsheesan Ee ku qaadeen Kooxaha Shabaab oo ka arimiya Deegaanada Gobolka Bakool waxuuna sheegay in haatan dagaalka yahay mid xoogan.

Maxamed Macalin oo ah gudoomiyaha dowlada KMG Soomaaliya ee gobalka Bakool ayaa ku faanay in Dagalka uu yahay mid ay dhawanaahaan qorsheenaysay inay Dowladda ku qaadaan goobaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha diidan Dowladda Ee Alshabaab waxuuna hadakiisa ku daray in saacadaha soo aadan ee ka fara maroojin doonaan Gobolka iyo deeganada Bakool waa sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyaha Dowladda Gobolka Bakool.

Dagaaladani ay wado Dowladda ayaa kusoo beegamya xilli maalimihii lsaoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen Goobihii ay ka talin jireen Kooxaha Alshabaab, waxayna Dowladda FKMG Soomaaliya gacan weyn iyo Logistiko ka haleen Kooxaha Ahlusan iyo Ciidamada Dowaldda Ethiopia.

Wararkii kusoo kordhaa kala soco Bartamaha,com hadduu EEBE  idmo.

Xafiiksa www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: