Calendar

Degmada Guriceel oo lagu qabtay gaari sida walxaha Qarxa

Bartamaha Guriceel_ Ciidamada Amaanka ee degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa laguso waramayaa inay gacanta ku dhigeen gaari lagasoo buuxiyey walxaha qaraxa oo ladoonayey in lagu waxyeeleyo amaanka magaalada.guriceel

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay gaarigaan xili uu marayey Kantaroolka magaalada ka xiga dhanka degmada Dhuusamareeb, waxaana gaariga la socaday Saddex nin oo hada ay gacanta ku hayaan ciidamadu.

Raga lasocday gaariga ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan deegaanka, waxaana sido kale ay ciidamadu qabteen labo nin oo xiriir laleh raga gaariga lasocaday kuwaasi oo laga qabtay gudaha degmada Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya inay ciidamadu bilaabeen hawlgalo lagu sugaayo amaanka degmada kadib markii la fashiliyey gaariga sida walxaha qaraxa ee lagu damacsana in lagu waxyeeleyo amaanka degmada.

Ururka al-shabaab ayaa ku hanjabay inay sii ballarin doonan weerarada ay ku beegsanayaan goobaha ay xukunto dolada Soomaliya, waxaana weerarkii ugu dameeyey ay xalay ku qaadeen Madaxtooyada looga arrimiyo dalka.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Galgaduud.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: