Calendar

Nin Abuukaate ah oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

caasimada muqdishoBartamaha Muqdisho_ Kooxo hubaysan ayaa maanta ku toogtay degmada Dharkenlay ee gobalka banaadir nin Abuukaate ahaa oo magaciisa la oran jiray Xabad Kaas, iyadoona ay goobta ka baxsadeen kooxdii dilka gaysatay.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in dilka abuukataha ay gaysteen labo nin oo Bistoolado ku hubaysan xili uu ku sugnaa Nawaaxiga sarta xaaji Gaabow ee degmada Dharkenlay.

Kooxda dilka ugaysatay abuukataha ayaa sidoo kale dhaawacday nin kale oo ay goobta kuwada suganaayeen, waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan kuwa dowlada oo baaritaano kabilabay halka uu falku ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa beryihii dame waxaa kusoo badanayey weraro toos ah iyo kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, oo ay gaysanayaan kooxda al-shabaab, waxaana dadka lagu dilay Muqdisho inta lagu guda jiray Bisha Ramadaan ay kor udhaafayaan 30- Ruux.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Muqdisho

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: