Calendar

Dibad bax balaaran oo maanta ay soo qaban qabiyeen midowga ardayda soomaliyeed oo ka dhacay magaalada muqdisho ayaa waxa uu ku bilaawday mid nabadded balse fashil uu ku soo gaba gaboobay.

4Dibadbaxaan maanta ka dhacay magaalada muqdisho  oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal arday ah Ayaa waxa uu ka dhacay  is gooska nabar afar ee magaalada muqdisho waxaan soo qaban Qaabiyay midowga ardayda soomaaliyeed.

Dibadbaxa ayaa ku bilowday jawi nabadded balse markii danbe ayuu isku badalay mid kacsanaan Ah waxaa xusid mudan in marka hore aad loogu riyaaqay waxaana inta dibad baxa socday Darenkooda waxaa soo bandhigay qar kamid ah ardaydii Dibadbaxa sameneysay.

Waxaa gobtii dibad baxa ka dhacaayay soo gaaray ciidamada dowladda ee bii esta loo yaqaano oo Watay gawaarida gashaaman ee dagaalka ku amray inee ardayda guryahooda ku noqdaan ee Halkaas digniin u jeediyay boqolaalkii arday ee isugu soo baxay dibadbaxaasi.

Ardayda dibadbaxa sameenaayay ayaa  ka dhaga adegeen amarada ay siyeen ciidanka oo ahaa Inay halkaas inaga tagaan oo ay joojiyaan dibad baxa  balse inyar kadib ayaa waxaa ku soo rugaal Celiyay ciidamada bii esta oo halkaas ka ka xeestay gudoomiyaha midowga ardayda soomaaliyeed Max,ed c/llaahi oo ahaa qabanqaabiyaha iyo iskudaba ridka dibadbaxa.7

Qarka mid ah ardaydii halkaas aan kula kulmay ayaa ka hadlay darenkooda sida uu yahay Madaama laga ka xeestay gudoomiyaha macalin max,ed c/llaahi barre waxa ay ii sheegeyn inay Aad ugu xunyihiin macalinka laga watay waxeena masuulinta dowlada ka cod sadeen iney Xoriyadiisa dib loogu soo celiyo gudoomiyaha midowga ardayda soomaaliye max,ed c/llaahi Barre.2

9Ma ahan markii ugu horeysay oo dibad bax ka dhaco muqdisho waxase dibad baxaan maanta ka Dhacay magaalada mudisho  waxa uu ku soo aadayaa xili wasaarada arimaha gudaha iyo  Maamulka gobalka banaadi ay ka digeen in dibadba laga dhigo magaalada muqdisho .

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: