Calendar

DKMG oo soo bandhigay habraaca iyo qorshaheeda 2011-2012

6301Mugadisho/www.Bartamaha.com:Xafiiska www.Bartamaha.com waxaa soo gaaray Dukumiinta lagu sharaxay  Habraaca Marxalada Kalaguurka iyo Qorshe Howleedka dowladda KMG ee 2011 ilaa 2012-ka, waxaana dukumiintitagaani uu ka koobanyahay 10 Peg.

HABRAACA  MARXALADA KALA  GUURKA & QORSHE  HOWLEEDKA  DOWLADA 2011—2012: 

Dowladda Fedralka  kmg ee Soomaaliya  waxaa ka go’an hirgelinta maamul leh hufnaan  karti iyo ujeeddooyin qeexan islamarkaana Xanbaarsan Qaabka ugu Haboon ee   looga gudbi karo xiliga  ku meel gaarka iyadoo Dalka  aanay ka  dhicin Xili dowlad la’aan  (vacuum).

Aragtida Dowladda  Federalka  kmg waxaa ka mid ah  Hirgelinta & ku Dhaqanka shareecada Islaamka, Nabad kuwada Noolaansho , Midnimo, Talo wadaag,  Iskaashi & in  Shacabka Soomaaliyeed  soo Ceshada Kaalintii, Sumcadii  iyo Haybadii uu  caalamka ku lahaa,  Noqdana  xubin firfircoon oo Buuxiya kaalintii  uu aduunka kaga Jiray.
UJEEDOOYINKA:

• Ujeedooyinka Dowladda Federalka kmg  waxaa ka mid ah Baadi goobka,  Midaynta, Kalsoonida, Qadarinta ,  Iskaashiga &  is ixtiraamka   Dhamaan Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed, Beesha, Caalamka & Wadamada  Dariska .
•        Dhismaha  Wadanka Guud ahaan   gaar ahaan  Dhinacyada  Siyaasadda, Amniga, Caddaalada, Shuruucda, Dhaqaalaha, Dib u Heshiisiinta, Arrimaha Bulshada, Hubka dhigista  & Dhaqan Celinta.
•        Tayeynta,  Abuurista  & Howl gelinta  Hay’ado leh Qaab Maamuleed Hufan oo leh Laxisaabtan Qeexan  (Tranesprency  and  Accountipilty).
 
 QORSHAHA  LOOGA  GUDBI   KARO MARXALADA DHAMAADKA  WAKHTIGA TFG EE   AUGUST 2011:
 
Ugu horeyn  waxaa haboon in lays weydiiyo sida ugu haboon ee loo wajihi karo marxalada dhamaadka Wakhtiga TFG  oo sharci ahaan ku eg   bisha Augost  2011.
 
Waxaa Muuqata  Muhiimada  Jiritaanka TFG &  Axdiga kmg  inta laga gaarayo Dowlad Rasmi ah  oo dalku yeesho,  dhamaan Masuuliyiinta, Heyadaha  iyo  Shuruucda Dalka waxay ku dhisan yihiin Axdiga kmg  iyo Shuruucda kalee   lagama maarmaanka ah.
•        Haddaan dib ugu laabano  Axdiga kmg  Qodobkiisa 32aad  Faqradiisa 1aad wuxuu leeyahay  mudada Golaha Shacabku waa  (Shan) Sano.
•        Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 4aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabka lama kordhin karo.
•        Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 2aad ayaa leh  Mudada Golaha Shacabku waxay ku egtahay Taariikhda la ansixiyo Doorashada Xigta ee Golaha Shacabka.
•        Hadaan eegno Qodobkan 32aad   faqradiisa 4aad  waxaa baabiyay heshiiskii Jabuuti 2009 kaa soo ogolaaday in wakhtiga  Dowlada Federalka kmg lagu kordhiyo  2 sano.
•        Sidaas  darteed  waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo Jiritaanka  dowladnimada  ka hor intaanay   dhamaanin  Wakhtiga  Sharcigu  tilmaamay iyadoo  loo maraayo   qaabka sharci  ahaan  ugu haboon  isla markaana ay ku jirto danta guud ee dadka, dalka iyo diinta.
 
•        Haddaba waxaa lagama maarmaan  ah  inaan is barbar dhigno  dhammaan  talaabooyinka  Axdigu tilmaamayo iyo   marxaladaha  lagama maarmaanka  ah  ee  ay Duruuftu Keentay.
•        Waxaa loo baahan yahay  in dhammaan rabitaanada shakhsiga  & danaha gaarka ee Siyaasadeed  Laga hormariyo  danaha dalka, Shacabka, diinta iyo  badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed.
•        Hadaan eegno dhammaan talaabooyinka suura galka  si  Heyadaha Dastuuriga ee Qaranku  uga  gudbaan  marxaladan kala Guurka  oo run ahaantii ku soo beegantay.
1.     Xili aad xasaasi u ah oo dalku ku jiro dagaal ay kooxaha nabad diidka ahi ku hayaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.
2.     Abaaro Saameeyay dhammaan dalka Soomaaliyeed  Dad & Duunyo.
3.     Barakac ay sababeen  Dagaalo & Abaaro.
 
MUUQAALKA  & NIDAAMKA  DAWLADDA  TFG EE XILIGAN”
 
Waxaa  si hufan u  Muuqata  Nidaam Dowladnimo oo   Cagaheeda isku taagtay  buuxisayna  dhammaan  Habraacii Dowladdeed Sida:
 
•        Baarlamaan Qaran oo si wadaniyadi ku dheehan tahay  u gudanaya waajibaadkooda una dhabar adaygay  siday dalka uga  gudbin lahaayeen marxaladahan   qalafsan.
•        Xukuumad  kooban  oo  leh  Furfurnaan Siyaasadeed, oo ay Han weyn u hayaan Shacabka Soomaaliyeed & Beesha   Caalamka.
•        Qaab xisaabeed dheeli tiran lehna miisaaniyad  Sanadeed  Si sharci  ah loo ansixiyay looguna dhaqmayo.
•        Dhismaha & tayeynta  Dhamaan Heyadaha qaranka iyo kaabayaashooda.
•        Nidaam iyo la xisaabtan  Dowlad wanaag oo ku wajahan  horumarinta adeega Dadweynaha,  Dib u dejinta Barakacayaasha, dhiirigelinta iyo kor u qaadista howlgelada gargaarka Biniadanimo , la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta.
•        Ciidan Qaran oo Tababaran  Diyarna  u ah Difaaca  & Soo Celinta Nabadgelyada Dalka.
 
•        Howlgal ciidan oo  si qotodheer  looga fikiray loona dhameystiray  kuna  wajahan soo celinta amniga  dalka oo dhan,  Lehna  qorshe kala horeeya   oo wakhtiyaysan .
•        Qorshaha  dhaqan Celinta, abuurista xirfado  Shaqo   iyo Horumarinta Garaadka ee ku Wajahan  dhalinyarada  Soomaliyeed  taasoo horseedaysa  in  la badbaadiyo mustaqbalka  dalka.
•        Qorshe Dib u heshiisiineed oo  laga hirgalinaayo dhamaan  Dalka.
•        Horumarinta  Siyaasada dibada &   Iskaashiga Caalamiga.
•        Dhameystirka & Hirgelinta  Qabyo Qoraalka Dastuurka Federalka.
 
Sidaasi darteed  dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada Qaranka  & qof kastoo ay taabaneyso xaqiijinta Jiritaanka  qaranimada Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay ka fikiraan  dhammaan marxaladaha lagama maarmaanka  iyagoo maskaxda ku haya qodobada kor ku xusan iyo kuwo kaloo badan.
 
Haddaba si loo dhameystiro  loona sii taaba geliyo dhammaan geedi socodka  Horumarka & Bedbaadinta Qaranka waxaa  lagama maarmaana  in Xiliga dhamaadka TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost  2011 isla markaana ay ahayd in loo dareero Doorasho  Si  shacabku u soo doorto  Xildhibaanadii Matali lahaa  iyo Madaxdii kale qaranka.
HADABA:
•        Marka si dhaba loo eego  xaalada wadanka , xogogaalnimada, waayo aragnimada & masuuliyada  naga saran  dalka & Shacabka Soomaaliyeed.
•        Markaan eegno xaalada & xeeladaha cadowga dibada & gudaha.
•        Markaan Cabiro muuqaalka  Siyaasadeed & midka military ee u qorsheysan Dowladda kmg, Markaan Qiimayno Taageerada Beesha Caalamka ee Xiligan.

•        Waxaa lagama maarmaana inaan  Heyadaha Dastuuriga ee Qranka   Siino Wakhti ku filan oo ay ku   dhameystiraan Howlaha Baaxada leh ee horyaala.

• Hadaba Si Dowladda kmg ay dalka uga Saarto Xiliga ku meelgaarka loona helo Dowladd Rasmi ah  waxaa lagama maarmaana in  la dhameystiro lana hir geliyo Dastuurka  Qabyada si shacabka  Soomaaliyeed  Go,aan uga gaaro  Rabitaanka Mustaqbalkiisa.   
 
 
•        Sidaas darteed   Xukuumada kmg  waxaa u cadaatay inaanay Suura gal ahayn in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Bisha Augost 2011  Sidaas darteed Xukuumadu  waxay soo jeedinaysaa In Doorashada la Qabto   Bisha Augost 2012.
•        Mudanayaasha  sharafta leh waxaan xusuusinaynaa in haddii dalku galo Xili isbedel  oo dhinaca Heyadaha Dastuurig ay dhici doonto  Khataraha Hoos ku qoran iyo kuwo kaloo badan  xitaa haddii saameynta isbedelku qaadaneyso mudo kooban .
 
•        Xukuumada  KMG iyadoo ka ambaqaadeysa  Dhammaan Qodobada Kor ku xusan, Isla markaana aragta Khatarta  dhamaan Qodobada  Hoos ku Qoran &  kuwa kaloo  aan halkan lagu soo koobi karin waxay xubnaha Golaha Baarlamanka ee sharafta leh  u soo jeedinaysaa inay tixgaliyaan mudnaanta iyo Baahida Dib u dhigista Xiliga Doorashada.
 
Haddii aan mid mid u soo qaadano dhammaan talaabooyinka kale ee laga fakari karo oo ah sidan:
 
ARAGTIDA   IN  XILDHIBAANADA  LAGA  SOO  DOORTO  DEEGAANADOODA:

In dalka doorasho ka dhacdo  oo  xildhibaanada  laga soo doorto deegaanadooda waxay u baahan tahay  in la fuliyo dhammaan Qodobadan:
•        Sugida amaanka dalka.
•        Tiro koob dhab ah.
•        Xaqiijinta Xuduudaha Degmooyinka & Gobolada.
•        Sameynta & ansixinta xisbiyo siyaasadeed iyo shuruucdooda.
•        Dhismaha Gudiga Doorashooyinka.
•        Wacyigelin.
•        Diwaan gelin.
•        Agab/Dhaqaale.
 
Sidaasi darteed haddii aan eegno Xaqiiqada  dhammaan marxaladaha uu xanbaarsan yahay qodobkan   waxaa  Cad inaysan suura gal ahayn in  dalka doorasho ka dhacdo.

ARAGTIDA  QABASHADA SHIR WEYNE QARAN:

Arinta kale ee   la is weydiin karo waxay tahay in la qabto shir weyne  laysugu keenayo xubno Soomaaliyeed oo laga soo xulo qabaa’ilada  isla markaana dib loo dhiso Gole Baarlamaan  kaasoo lamid noqon doona 99% kana  dhib iyo fashil badnaan  doona   kii  lagu qabtay dalka Kenya ee Mpagathy.
•        Waxaa  adkaan doonta in la helo Gole Baarlamaan oo bedela midka hada dhisan,
•        waxaa dhaci doona in Qabaailadu ku heshiin waayaan xulitaanka xubnaha Ergada shirka  &  qeybsiga tirada Barlamaanka, Shirkani wuxuu qaadan karaa in ka badan 2/3 Sano.
•        Sidoo kale wuxuu u baahan yahay Abaabul, Dhaqaale xoog leh iyo Siyaasaddii hagi  lahayd taasoo u baahan mudo dheer oo loogu diyaar garoobo:

Haddii aan eegno labada Qodob ee  doorasho iyo  Shirweyne  waxay  keenayaan dhowr  khatarood    sida,

•        In dalku noqdo Dowlad la,aan mudo oo uu yimaado (Vacuum) inta lagu jiro  marxalada Isbedelka howshan oo sidaan sheegnay qaadan karta mudo dheer oo aan xad lahayn.
 
•        Inay  adkaato inay soo baxaan wax Soomaali ay heshiis ku tahay oo lamida ama ku dhaw midkaan  manta haysano.
 
•        In kooxaha Argagixisada oo xiligan ku jira marxalad adag oo isugu jirta Burbur & khilaaf dhexdooda inay Midoobaan iyagoo ka faaiidaysanaya Fursada marxalada kala guurka.
 
•        In Shacabka Soomaaliyeed oo hadda ku dhiiraday inay muujiyaan Ficilada & dareenka ay kaga soo horjeedaan kooxaha Argagixisada ay han jabaan oo u nuglaadaan fikradaha  Shababka.
 
•In  Kooxahan Argagixisada oo hadda ay soo wajahday dhaqaale la,aan xoogan iyo  Dhibaatooyin  kaloo badan inay helaan fursad ay markale is ku Abaabulaan iyaga  iyo Ajaaniibta Dibada Dhaqaalaha uga soo dirta iyagoo ka faa’iidaysanaya Xiliga kala guurka.

•In kooxaha Argagixisada ahi  u gacan haatiyaan Xubno badan oo ka mida Ciidamada Dowladda,
www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: