read more »">
Calendar

Dowlada Soomaliya oo kahadashay weerarkii xalay lagu qaaday madaxtooyada

mustaf dhuxulowBartamaha Muqdisho_Wasiirka Warfaafinta dowlada Soomaliya Mustaf Axmed Dhuxullow oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin kabixiyey weerarkii xalay Al-shabaab ku qaaday aqalka madaxtooyada.

Wasiir dhuxullow ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay ahaayeen afar ruux oo wata gaari noocisu yahay Noaha, waxaana uu intaasi raaciyey inay dileen saddex kamid ah halka midka kalena ay gacanta ku hayaan sida uu yiri.

Mustaf Dhuxullow ayaa beeniyey in khasaare badan uu dowlada kasoo gaaray weerarkii xalay, waxaa uu cadeeyey in hal askari uu ku dhintay labo kalena uu dhaawac soo garay, isagoona xusay in wax rayid ah uu khasaare soo gaarin.

Dhiniciisa madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kahadlay shir jaraa’id oo lagu qabtay madaxtooyada ayaa beeniyey warar lagu baahiyey website-yada ku hadla afka al-shabaab oo ku adaan in madaxweynuhu uu kacararay madaxtooyada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan jirin cid uu uga qaxayo madaxtooyada, isagoona intaasi ku daray in Al-shabaab aysan ahayn wax laga cararo sida uu hadalka udhigay.

Madaxweynaha ayaa usoo jeediyey waalidiinta inay soo wargeliyaan laamaha amniga markii ay caruurtodu ku biiraan ururka Al-shabaab.

Waa weerarkii labaad oo ay Al-shabaab sanadkaan gudihiisa ku qaado madaxtooyada Soomaliya.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: