read more »">
Calendar

Wasiirka Amniga oo la magacaabay iyo Saraakiil xilka laga qaaday

EregBaratamaha Muqdisho_ Wasiirka warfaafinta dowlada Soomaliya Mustaf Dhuxullow ayaa war baahinta u akhriyey Digreeto kasoo baxaday xafiiska Ra’iisul wasaraha Soomaliya, oo loogu magacabay wasiirka Amniga Khaliif Axmed Ereg.

Wasiirka ayaa sido kale war saxafadeedka ku sheegay in xilka laga qaaday Taliyihii ciidanka Booliska Soomaliya Gen. Saacid iyo Agaasimaha Hay’adda nabad sugida Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa loo magacabay Maxamed Sheekh Ismaaciil, iyadoona si kumeel gaar ah loogu dhiibay agaamiyaha Hay’adda nabad sugida qaranka Maxamed C/llaahi Xasan Xaamud.

Xilka qaadista saraakiisha laamaha amniga iyo magacaabista wasiirka amniga ayaa kusoo beegmaysa xili habeenkii xalay kooxda Al-shabaab ay weerar toos ah ku qaaday madaxtooyada Soomaliya.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa is casilay kadib markii ay muqdisho kusoo bateen weerarada toos ka ah oo ay Al-shabaab kagaysanayso magaalada, waxaana laga dhowr sugayaa wax qabadka wasiirka cusub ee dhanka amniga ku aadan.

Baratamaha.com

Xafiiska Muqdisho.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: