Calendar

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay maalmaha soo socda dalka uga sifeyn doonto kooxaha ka soo horjeeda

alshabaab-3Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladda Soomaaliya dalka ka xoreyn doonto kooxaha ka soo horjeeda.”Waxaan idiin xaqiijinayaa in Dowladda Soomaaliya ay maalmaha soo socda dalka ka xoreyn doonto kooxaha ka soo horjeeda oo isugu jira kuwo ajnabi ah oo Afghanistan iyo meelo kale ka yimid iyo kuwo dano shisheeye u adeegaya”ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay maalinta dhanlinyada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya oo sida uu yiri taageero ka heysata shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay maalmaha soo socda dalka ka xoreyn doonto Kooxaha ka soo horjeeda, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka soo horjeedaan nabad ka dhalata Soomaaliya.

Hadalka uu sii daayay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 8dii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna dagaalladaas keeneen in ay dad badan oo rayid ah dhintaan, kuwo dhaawacmaan, kuwo kalena ay ka barakacaan guryahooda.

Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya C/waaxid Cilmi Goonjeex oo isna munaasabaddaas ka hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in sida uu hadalka u yiri rag shalay (xiligii Maxkamadaha Islaamka)  taageersanaa Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay hadda ku tilmaamaan gaal, wuxuuna caddeeyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayo Dowlad Islaam ah oo hirgelisay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: