read more »">
Calendar

Faah Faahin: Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho (sawirro)

Muqdisho_ Qarax xoogan ayaa subaxnimadii maanta ka dhacay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku dhow Xarunta Hay’adda Sirdoonka ee dowlada Somaliya.

Qaraxa ayaa gaystay khasaare farabadan, waxaana inta la hubo ku geeriyoday 11- qof halka tiro intaasi kabadana ay ku dhaawacmen waxaana dadka ay waxyeeladu soo gaartay isugu jiraan shacab iyo shaqalaha Hay,adda Sirdoonka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarku ahaa mid qorshaysan, oo loogu talagalay madaxweynaha Soomaliya oo maanta qorshuhu ahaa inuu tago Hay,adda sirdoonka.

Ra,iisul wasaaraha Soomaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ka tacsiyay dadkii ku dhintay qaraxa, waxaana uu tilmaamay in werarkani uu cadayn uyahay guul darada soo wajahday awooda Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkani, waxayna cadeeyeen inay dileen saraakiil sar sare oo katirsan Hay,adda Sirdoonka, kuwaasi oo ay ku jiraan Ajaaniib.

Al-shabaab ayaa wacad kumartay inay sii wadi doonto weerarada caykani oo kale ah sida laga baahiyay idaacad ku hadasha afka ururka Al-shabab.

Arrintaan ayaa imaanaysa xili maalintii jimcadii ay Al-shabaab weerar toos ah ku qaadeen madaxtooyada Soomaliya, halkaasi oo ay ku dileen masuuliyin katirsan dowlada iyo dad shacab ah.

Madaxda sare ee dowlada ayaa dhowr jeer sheegay inay soo afjari doonaan awooda Al-shabaab waxaase muuqanaysa in weli ay muqdisho wajahayso weraro is qarxin ah.

Bheh8G0CMAAvdbU-740x455 qaraxii-740x555

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: