Calendar

Col. Muungaab oo laga dhigay guddomiyaha Badanadir ahna duqa Muqdisho

Muqdisho_ Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu magacaabay guddomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Col.Xassan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa loo magacaabay xilkaasi, waxaana uu bedeli doonaa Maxamuud Axmed Nuur Taarsan, waxaana wareegtada kuxusan in madaxweynaha uu kusoo xushay muungaab khibrada uu uleeyahay xilkaasi.

Col.Xassan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u ahaa guddomiyihii hore ee maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaana xiligii uu xilkaasi hayay ay maxkamadu fulisay xukuno badan oo dil ah.

Col. Muungaab ayaa wax kusoo bartay dalka Suudaan, waxaana la sheega inay aad isugu dhowyihiin madaxweyne Xasan, muddoyinkii dame ayaa lahadal hayay in xilkaasi loo magacabi doono Col. Muungaab kadib markii xilkaasi laga qaday Tarzan.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: