Calendar

Gaadiidleyda Dekadda Muqdisho oo Banaan Bax cabasho ah ka dhigay Muqdisho

Gaadiidleyda Xamuulka ee ka howl gahsa dekadda Maagalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay Banaan bax ballaaran ka dhigeen Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan kaasoo ay uga soo Horjeedeen Lacago Sharci darro ah oo looga qaado Gudaha Marsada Muqdisho.

Qaar Ka mid Gaadiidleyda Xamuulka oo qayb ka ah Darawaladii dhigayay Dibad baxani ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in ay dhibaato Xoogan ay ku haysato Gudaha Dekedda Magaalada Muqdisho.

Dhibaatada ay Ka cabanayaan Gaadiidleydani ka howl Gasho Gudaha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Lacago si sharci darro ah looga qaado Gudaha Dekedda kuwaasoo ay sheegeen in Looga qaado Xafiiska Iskaashatada Gaadiidka ee Gudaha Dekedda Magaalada Muqdisho

Gaadiidleydaan ayaa  intaa ku daray in Ciidamada Booliska ay dhibaato kala kulmaan iyagoo ugu baaqay Madaxda dowladda in wax laga qabto dhibaatada haysata

Cabashada Gaadiidleydaan ayaa waxa ay imaaneysaa Xilli Madaxda dowladda ay horay u sheegeen in Canshuur aaney dowladda ka warqabin aan la qaadi Karin

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: