Calendar

Xukuumadda oo sheegtay in Al Shabaab uu ka soo Goostay ninkii fuliyay Qaraxii Maanta

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo Warfidiyeenada Muqdisho Kula hadlay ayaa waxa uu faah faahin ka Bixiyay Qaraxii Ismiidaamin ee Maanta ka dhacay Agagaarka Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Mr Ciil Mooge ayaa Weerarkaasi Ku tilmaamay Mid dhicisoobay oo ay ku hungoobeen Ururka Al Shababaab oo lahaa agaasinka Weerarkaasi sida uu hadalka u dhigay.

 Wasiirk ayaa sheegay in inta la ‘ogyahay Weerarkaasi ay ku geeriyoodeen 1 Askari iyo Ninkii Weerarka fuliyay 5 kalena ay ku dhaawacmeen isagoo dhinaca kale Carabka ku dhuftay in Ninka weerarka fuliyay uu dhawaan un ka soo goostay Ururka Al shabaab islamarkaana uu ku soo biiray Ciidanka Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidanka Nabad Sugida o iyana halkaasi ka hadlay ayaa Ku sheegay Magaca Ninka Weerarka Geestay Cali Cabdi Xareed Maalin  kaas oo ay sheegeen in dhawaan un uu iska diiwaan Galiyay Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.

Weerarkii Maanta ayaa ku soo Beegmayo Xilli Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Muddooyinkii dambe ay ka yara xasilooneed sidii hore islamarkaana ay Mesha isaga sii baxayeen weerarada qaraxyada ah ee horay uga dhici jirtay Magaalada Muqdisho.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: