Calendar

Garowe: Mas’uuliyiin Ka Tirsan Bulshada Rayidka & Saxafi Caan ah oo Ka Badbaaday Shirqool Dil oo uu Maleegay Maxamed Faroole (Warbixin + Sawiro)

1 Nuur-Diinaari-Cabdi-Xayi-Garaad-Najmo-Axmed-iyo-Cabdisalaam-Caato

Nuur Diinaari, Cabdi Xayi Garaad, Najmo Axmed iyo Cabdisalaam Caato

Nairobi (RBC) Xubno isugu jira masuuliyiinta ururada bulshada rayidka, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha DKMG Soomaaliya iyo wariye caan ah oo Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday inay ka badbaadeen isku day oo lagu khaarajin lahaa oo uu soo maleegay Maxamed C/raxmaan Faroole oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Puntland.

Maareeyaha Wakaalada Filimada Soomaaliya C/salaam Caato ahna saxafi caan ah iyo filimqaade, Cabdihaye Cismaan Garaad oo horay u ahaan jiray ku xigeenka hay’adda CRD, Najmo Axmed Cabdi oo hogaamisa urur dhalinyaro iyo Nuur Diinari oo horey u ahaan jiray ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Villa Soomaaliya ayaa Cabdisalaam Caato u xaqiijiyey Shabakada Raxanreeb in toddobaadkii hore, xilli ay ka qeybgaleen shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Garowe ay ka badbaadeen shirqool iyaga lagu khaarajin lahaa oo, sida ay sheegeen uu soo maleegay Maxamed C/raxmaan Faroole oo ah wiilka madaxweyne Faroole ahna la taliyaha madaxweynaha ee dhanka saxaafadda.

Xubnaha oo Jimcihii [17-02-2012] ka baxay magaalada Garowe ayaa ka sheekeeyay qaabkii ay uga badbaadeen shirqool iyaga looga takhalusi lahaa oo ka dhacay bartamaha magaalada Garowe kaasoo sida qorshuhu ahaa ay fulin lahaayeen ciidamada madaxtooyada Garowe.

“Anaga waxaan ka mid ahayn ergadii ka qeybgaleysay shirkii wadatashiga ee lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe runtii aad ayaan ugu faraxsanaa tegideyda Puntland waayo waa hoy Soomaaliyeed oo nalaka marti geliyey saaxiibadeyna qaar waxay u ahayd markii ugu horreysayoo ay tagaan Garowe mudadan burburka, wax kasta waa siduu Illaahay ugu talagalay. Waxaana ka noolnahay xagga Alle.” Sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay Maareeyaha Wakaalada Filimada Soomaaliyeed C/salaam Caato.

C/salaam Caato oo ah saxafi caan ah, waxaa uu ahaa soo saarihii barnaamijka Wargelin (wargelin.com) iyo tifaftiraha shabakadda wararka ee www.Bartamaha.com. C/salaan ayaa shirka u tegey si uu u sameeyo filin dukumintari ah oo ay diyaarinaysay Wakaalada Filimada Soomaaliyeed oo dhowaan dib loo shaqo geliyey. [Booqo facebook C/salaam facebook.com/wargelin].

C/salaan wuxuu sheegay in mudadii saddexda maalin ahayd ee uu socday shirkii Garowe uu dhowr jeer u yimid Maxamed Faroole uuna weydiiyey su’aalo la xiriira shaqadiisa, uuna u sheegay hase yeeshee mar walba uu dareemayey in wax aan caadi ahayn ay socdeen.

1 INA-FAROOLE-IYO-JOOREMaalintii khamiista oo bishu ahayd 16kii Febraayo ayaa Cabdisalam Caato waxaa shirka kasoo saray Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo ah ahayeenka dowladda Puntland wuxuuna u geeyay Maxamed C/raxmaan Faroole oo banaanka ku sugayey, waxayna weydiiyeen inuu Shabakadda Raxanreeb warbixinno u diray maalintaas iyo in kale, waayo maalintaas waxay ahayd maalintii Federaalka laga wada hadlayey oo doodo badani ay socdeen, Waana loo diiday in saxaafaddu ay timaado oo ay ka war bixiso.

Cabdisalaam Caato oo walaalkiis uu yahay Maamulaha Raxanreeb ayaa u cadeeyay inuusan shaqo ku lahayn oo wax war ahna uusan u gudbin, Maxamed Faroole oo ka xanaaqsan sababta Raxanreeb ay warka shirka u tebinayso iyo doodaha socda ayaa ku yiri Cabdisalaam Caato “Ma ogtahay walaalkaa wuxuu sameeyo inaan adiga kugu xiri karno ama kugu Waxyeelayn karno” waa sida uu noo xaqiijiyay Cabdisalaan Caato.

Habeenkii Jimcaha ee 17-ka Febraayo oo ahayd habeenkii shirka la soo xirayey, Abaarihii 11:00 fiidnimo ayaan ka soo dhaqaaqnay hoolka shirka waxaana ku soconay hotelka aan deganeyn, laakiin intii aan sii soconay ayaa meel dhexe waxaa nagu joojiyey niman hubeysan oo watay baabuur oo aan garaneyn” ayuu yiri C/salaam oo sheekadiisa sii wata.

C/salaan wuxuu sheegay in nimanka hubeysan ee joojiyey baabuurkooda ay ahaayeen ilaa lix, kuna lebisnaa dharka tuutaha.

“Markii nala istaajiyay waxay nimankii oo nagu yiraahdeen jidka weyn ka weecda oo midig u gala jid raf ah oo xaafad kale sii galaya………. Markaa aniga waxay indhahayga qabteen baabuur cad oo u eg Corolla ama Cresida ah oo ka imaanaya dhanka naloo wado, gaarigaas ayaa askarta la istaagay oo haddana dhaqaaqay wuxuuna fuulay laamiga dheer ee bartamaha magaalada Garowe dhexmara [waana dhanka anaga naloo diiday]…. markaan weydiinay jidku wuu furan yahay ee maxaa naloo weecinayaa ayay igu yiraahdeen adiga [C/salaan] soo deg, markuu u sheegay inuu martida shirka yahayna gaariga ayay kasoo jiideen intay qoryaha lasoo baxeen kadibna waxay ku amreen darawalkii baabuurkeena inuu dhaqaaqo.” ayuu sii sharaxay C/salaan.

C/salaam Caato wuxuu sheegay in markii ay sheekada halkaa mareyso baabuurkiina uu weli taagan yahay inuu uu soo degay Cabdihaye Cismaan Garaad oo ah la taliyaha wasiirka dastuurka dhinaca dib u heshiisiinta horayna u ahaa ku xigeenka hay’adda CRD oo markaasi baabuurka saarnaa ayna isla socdeen.

“Markii ay C/salaan baabuurka ka reebteen xilliguna ahaa waqti dambe ku dhowaad 12:00 habeenimo ayaan anigu [Cabdihaye] soo degtay si aan u weydiiyo sababta loola degay Caato. Waxaan u sheegnay nimankii hubeysnaa in anaga aan marti nahay oo shirka Garowe u nimid magaalada, waxaan ku iri way aaway masuulkiinii isla markiiba waxay nagu bilaabeen labadeenii in qoriga ay nagu garaacaan, laad iyo feerna leysugu keena daray”, Askarta ayaa u badnaa dhanka Cabdihaye oo markiiba waxaad moodaa in loo tilmaamay waxaan nahay oo cidna maysan warsan waxaan nahay hadalna nagama aysan yeelin sidaasi waxaa sheegay Cabdihaye Garaad oo weerarkaasi uu ka soo gaaray dhaawac gacanta bidix.

Sida ay noo sheegeen ilo aad loogu kalsoon yahay oo uu u waramay wasiir ka tirsan xukuumadda Faroole waxaa ay sheegeen in gaariga cad ee caato uu ka shakiyey uu saarnaa Maxamed faroole.

Cabdihaye wuxuu ka mid ahaa ergadii bulshada rayidka ee shirka ay ku martiqaaday hay’adda UNPOS. Cabdihaye Garaad sidoo kale hadda wuxuu la taliye u yahay wasiirka dastuurka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya, wuxuuna aad ugu jiray doodihii ku saabsanaa Federaalka, Baarlamaanka iyo Doorashooyinka, wuxuuna si aad ah uga doodayey arrimahaas. Xukuumadda faroole ayaa qol kasta ay u joogeen dad ay kusoo qorteen waxayna riixayeen qorshayaal iyaga u gaar ah taasna Cabdihaye aad ayuu uga dooyey dadka kalena uu u fahansiinayey maadaama uu yahay qof Soomaali ah yaqaanana sharciyada Doorashooyinka, wuxuuna xirfad dheer ku leeyahay dib u heshiisiinta taasoo uu muddo fara badan kasoo shaqeynayey.

1 caato_hayeDhaawaca gaarey Cabdihaye ayaa ugu cuslaa meesha C/salaan caato, Nuur Diinaari iyo Najma iyagana dhaawacyo hoose ay soo gaareen laakiin waxaa noogu xun ayay dhaheen niyad xumida iyo sharaf ka dhaca ay nagu sameeyeen Maxamed Faroole iyo Askartiisu.

Inta weerarku uu ku socdo C/salaam Caato iyo Cabdihaye Garaad, waxaa baabuurka saaran Najmo Axmed Cabdi iyo Nuur Diinaari oo lagu amray inaysan baabuurkooda ka soo degin haddii kale la toogan doono hadey soo dhaqaaqaan, sida ay sheegeyso Najmo Axmed Cabdi oo iyaduna ka socotay urur dhalinyaro, Najmo ayaa raacisay hadalkeeda “weligey ismaanan oran Soomaali aad u martiday ayaa qori madaxa kaaga qabanaysa oo haddana walaalahaagii kula socday qori dabadiis la dhacaysa… tabar la’aan ayaan dareemay”

Najmo waa gabadhii Soomaaliyeed ee kaliye ee la kulantay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama [ Daawo Najmo oo suaal weydiineysa Obama ], wediiseyna suaal xasaasi ah. Najmo waxay u dadaashaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxay iyaduna shirka Garowe uga qeybgashay sidii ay meel ugu ogaan arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Nuur Diinaari oo mudo dheer madaxtooyada Villa Soomaaliya ka ahaa ku xigeenka madaxa shaqaalaha xafiiska madaxweyne Shariif oo ka mid ahaa xubnaha shirqoolkan ka badbaaday ayaa sheegay in qorshaha dilka qarsoodiga ah uu ahaa mid diyaarsanaa laakiin uu Alle ka badbaadiyey

Cabdihaye Garaad oo ah sarkaal ka socday Ururada Bulshada oo dhaawaca culus ka soo gaaray shirqoolkaan ayaa waxa uu ku raacay Nuur Diinaari in ay shirqool abaabulan uu ahaa waxa uuna ku saleeyey arimahaan hoos ku qoran.

- Goobta isbaarada ay kula kulmeen, waxay ahayd meel aad uga durugsan goobtii shirku ka socday ee Jaamacadda PSU, mana ahayn meel laga fili karay ciidan ilaalo haya.

- Ragga falka loogu talagalay waxay wateen dharka tuutaha, halka ciidamada magaalada dhexdeeda joogay ay ahaayeen dhamaantood boolis, wax ciidanka Daraawiishta ahna ma joogin gudaha magaalada marka laga reebo ciidanka madaxtooyada oo hawlo gaar ah fuliya.

- Isbaarada waxaa la diyaariyey ugu yaraan labo saac ka hor waayo fiidkii hore oo meesha baabuur ku marnay ma oolin wax kontorool ah iyo ciidan midna.

- Taliyihii masuulka ka ahaa amaanka shirka oo markii dambe dhacdada loo sheegay,wuxuu cadeeyey in habeenkaas wax ciidan ah ku ogeyn goobta la sheegay oo ahayd mee u dhow hotelka Global isaguna uusan masuul ka ahayn raggaasi meesha lagu arkay.

- Mid ka mid ah xubnaha wasiirada ee dawlada Puntland oo aan rabin in la magacaabo wuxuu xaqiijiyey in baabuurkii caddaa oo u ekaa Cresidada ee naga hor yimid, nimanka hubeysanna la hadlay uu saarnaa Maxamed C/raxmaan Faroole. taasoo cadeyneysa in qorshaha uu ahaa mid isku xiran.

Wasiirka amniga muxuu ka yiri dhacdadan?

1 Wasiirka-amniga-iyo-DDR-Col.Khaliif-Ciise-Mudan-oo-Saxaafada-la-hadlaya-Kulankii-ka-dib-ee-Khubarada-UN-300x225

Wasiirka amniga iyo DDR Col.Khaliif Ciise Mudan

Xubnahan ka badbaaday shirqoolka, waxay sheegeen in daqiiqado yara kadib markuu shilku dhacay ay arinta la socodsiiyeen wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan wuxuuna u yeeray taliyihii Ilaalada magaalada gudaheeda, wuxuuna taliyahaasi sheegay in ciidanka ay soo arkeen dhallintan uusan ahayn ciidankiisa, Wasiirka Amniguna wuxuu u ballan qaaday inuu baaritaan ku sameyn doono. Wasiirka Amniga oo ay weheliyeen wasiiro kale oo ka tirsan Puntland ayaa sheegay inay ka xun yihiin wixii dhacay iyagoo sheegay in raggii falka geystay la xiray ayna tusi doonaan dhibanayaasha, laakiin ma jirin wax ficil ah oo intaasi xigay, subaxiina lama tusin dadkii la yiri waa loo xiraq shirqoolkii dilka ahaa.

Sida dad badan ay qabaan inta badan ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo kuwa Garowe ma hoostagaan wasaarada amniga iyo saraakiisha ciidamada, taasi ayaana keenta in xitaa saraakiisha amaanka ee Garowe iyo kuwa gobolka Nugaal aysan ka war heyn falalka xeeladeysan ee Ina Faroole ku fulinayo magaca maamulka aabihiis.

Xafiiska Wararka
RBC News
Nairobi Kenya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: