Calendar

Gd. Baarlamaanka oo Norway ugu qeyb-galaya shir looga hadlayo dimoqraadiyadda

jawaari

Muqdisho (Bartamaha) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta u amba baxay dalka Norway, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono shir ay isugu imaanayaan caalamka iyo Wadamada Scandinavian-ka loogana hadli doono arrimaha dimoqraadiyadda.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa socdaalka uu ugu amba baxay dalka Norway waxaa ku wehliyaha Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana shirka ay ka qeyb galayaan uu yahay mid sanadle ah oo sanadkiiba ay isugu yimaadaan Wadamada Caalamka kaasi oo socon doono inta u dhexeysa 28-30-ka bishaan, waxaana inta uu socda diiradda lagu saaraya dhismaha dimoqraadiyadda iyo caqabadaha hor imaan kara.

“Waxaan u amba baxayaa shir sanadle ah oo ay caalamka iyo Scandinavian-ka ay isugu imaanayaan sanadkastana waxaa looga hadlaa arrimo gaar ah, balse sanadkaan waxaa lagu fala qeyn doonaa dhismaha Dimoqraadiyadda, waxaana si gaar ah Aniga iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Norway shirka ku ah marti sharaf, waxaana u bandhigi doonaa wixii horumar ah ee la gaaray, si dalkaan loo gaarsiiyo 2016-ka bartilmaameedka la hiigsanayo oo ah hanaan doorasho oo xor ah” ayuu yiri Prof Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga la socdo waxaa garoonka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlaamka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: