Calendar

Guddoomiyaha Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed oo ka hadlay aragtidooda ku aaday Dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey kulankaasi ayaa ka hadlay aragtidooda ku aaday Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya ay sheegtay in la dhamays tiray.

Wuxuu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad in dastuurka uusan ku imaan hab lagu talagalay ama laga qeyb galiyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed , wuxuu intaa ku daray in dastuurka ay hormuud ka noqdeen hay’ado iyo shaqsiyaad uu sheegay inay ajnabi yihiin maalgalintana ay iyagu leeyihiin.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed wuxuu sidoo kale hadalkiisa intaa raaciyey in Culumada Soomaaliyeed ee ku kala baahsan dunida aan lagala tashan dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya ay sheegtay inay dhameys tirtay, taas oo uu ku tilmaamay in la la hareer maray.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa isi soo tarayey hadal haynta dastuurka Soomaaliya oo Xukuumadda KMG Soomaaliya ay sheegtay inay dhamays tirtay waxaana hay’adda Culumada Soomaaliyeed ay sheegtay in qodobo ku jira Dastuurka aysan waafaqsanayn diinta Islaamka.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: